|

10 qof oo u dhintay shuban biyood ka dilaacay degmada Xarfo ee gobolka Mudug.

Shuban-biyood ayaa ka dilaacay demada Xarfo oo ka tirsan gobalka Mudug, waxaana la xaqiijiyay iney u geeryoodeen dad gaaraya 10.

Degmada Xarfo Isbitaal ma lahan, dad uu soo ritay Shuban-biyoodka oo gaaraya 40 ayaa la seexiyay MCH-ka iyo Iskoolka Horyaal.

Guudoomiyaha degmada Xarfo Bashiir Macalin Daahir ayaa Puntlandi u xaqiijiyay tirada dadka u geeryooday iyo kuwa uu soo ritay.

Puntlandi.com

Comments are closed