|

150 muhaajiriin ah oo laga cabsi qabo inay ku dhinteen xeebaha Libya.

ku dhawaad 150 Tahriibayaal ah ayaa loo maleynayaa inay dhinteen, kuwaas oo la socday Doon macmal ah oo maalmo ka hor  ka baxay Magaalada Sabratha oo kutaala Waqooyiga dalka Libya.

Wiil 16-sano jir ah oo u dhashay dalka Gambia, ayaa noqday qof kaliya ee ka badbaaday shilkaan oo laga cabsi qabo inay ku dhinteen 147 tahriibayaal ah.

Markab ay leedahay Hay’ad gar gaar Luvente ayaa helay wiilkan isagoo haysta haantii shidaalka Doonta oo sabaynaya Badda. Wiilkan ayaa markii dambe waxaa la geeyay Jasiirada Sicily gaar ahaan Lampedusa.

Wiilkan  Badbaaday ayaa rumeysan in dhammaan dadkii la socday Doonta ay dhinteen, hase yeeshee waxaa socda weli dadaalo lagu doonayo in lagu soo badbaadiyo haddii ay dad nool jiraan.

Laba maalmood ka hor ayaa la sheegay in Doontan degtey ay ka soo Sabratha dalka Libya ayna saarnaayeen dad ku dhow labo boqol oo ruux kuwaas oo badankood ay ahaayeen dad ka soo jeeda wadamada ka hooseeya Saxaraha waxaana ka mid ah shan carruur ah iyo Haween.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa laga soo badbaadiyay dad gaaraya 1,100 Tahriibayaal ah, waxaana ku dhintay illaa iyo Lix Boqol oo Tahriibayaal ah.

Source: Aljazeera.

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login