|

Dugsi Casri Ah Oo Adoo Jooga Gurigaaga Aad Ku Baranaysid Qur’aanka Kariimka Ah Iyo Culuumtiisa Oo Laguu Furay.
Waxaa magaalada Hargaysa laga Furay Machadka Caalamul Quraan oo ah Macahad Casri ah laguna Baran doono wax kasta oo ku aadan aqoon Guud iyo Mid Diini ah.
Caalamulquraan waa Shabakad aad ka baran karto cilmiga diinta adiga oo jooga gurigaaga xafiiskaga, waxna ay ka dhigan karaan  caruur iyo waayeelba.Machadkan Caalamul Quraan  waa machad ka howl gala guud ahaanba Caalamka oo dhan meel kasta oo ay joogaan ama ku nool yihiin Soomaalidu .
Waxaa wax ka dhigaya mahcadka Macalimiinn soomaaliyeed oo aqoon buuxda u leh diinta islaamka Iyo casharada ay Bixinayaan, waxaana macalimiintaas ka Muuqata khibrad iyo waayo argnimo ay u leeyihiin  sida dadka wax loo fahamsiiyo.
Maamulaha Guud ee Machadka Caalamulquraan  ayaan mar aanu  wax ka waydiinay arintaas, waxa uuna sheegay in dadka Soomaaliyeed  ee jooga Qurbaha una baahan in ay wax ka bartaan Macluumaadka ku aadan Diinta Axaadiista, Quraanka iyo Sunada Rasuulka ay ku baro doonaan si online ah ( Maqal iyo Muuqaal ah ) oo lagu baranayo Quraanka kariimka ah, barashada luuqada carabiga iyo higaada, barashada axaadiista nabiga.
“ Machad  waxa uu ka ka howl gala guud ahaanba Caalamka oo dhan meel kasta oo ay joogaan ama ku nool yihiin Soomaalida, waxaana Diyaar u yahay in Caruurta dadka waawayn iyo dhalinyarada aan ku barno meel kasta oo ay joogaan oo ah Online”ayuu yidhi Maamulka oo la hadlayay Warbaahinta .
Waxa uu sheegay Maamulku in ay arintaan muhiim u tahay Soomaalida dagan caalamka kuwa aan soo gadhi  Karin Xarumahooda maadaama  Teknolijiyada (‘Internetka’) hada wax lagu barto.
Waxa uu sheegay maamulaha Hadaad rabto in aad is qorto Machadka ama aad tijaabisid waxaad u baahantahay: – Computer – Internet – Microphone ama sameecad -. marka aad soo diyaar-garoowdo fadlan kala soo xidhiidh  Tilifoonada hoos ku Qoran .
Sidoo kale arintaan ayaa waxaa soo dhaweeyay Bulshada Soomaaliyeed, iyagoo  sheegay in wax badan ay u soo kordhinDoonto arintani .
Machadka Caalamulquraan   ayaa waxa uu Noqonayaa machadkii ugu waynaa ee sidaan oo kale Arday ka bartaan macluumaad ku aadan  Aqoonta diinta oo laga Furo magaalada Hargaysa ee Somaliland.
Free linka: Free Call:0012183667105                
Telefoon                00252634121553
Skype: caalamul.quraan.
Emailka caalamulquraan@hotmail.com 

Facebook: caalamulquraanWebsite: caalamulquraan.com.

Comments are closed