abaaraha
|

16 Carruur Ah Oo Cudurka Shuban Biyoodka Ugu Dhintay Gobolka Sanaag

16 Carruur ah ayaa Cudurka shuban biyoodka ugu geeriyooday degmada Xingalool ee Gobolka Sanaag, xilli Abaaro xooggan ay ka jiraan Gobolka.

Maxamed Cali Shire oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Cisbitaalka guud ee degmada Xingalool oo la hadlay Warsidaha Puntlandi, ayaa noo xaqiijiyay geerida Carruurta, wuxuu sheegay in shuban biyoodku uu ka jirto degmada Xingalool iyo deegaanada ku xeeran.

Wuxuu intaas ku daray inay jiraan Carruur kale oo Cudurka u dhintay, balse aysan tirakoob rasmi ah ka hayn, kuwaas oo ku dhintay deegaanada ku xeeran degmada Xingalool.

”Cudurka degmada iyo deegaanada ku xeeran waa ka jira bilihii ugu dambeeyay, laakiin Kiisaska dhimashada waxay bilowdeen todobaadyadii ugu dambeeyay, walina waxaa jira Carruur la ildaran cudurka, waxaa u weheliya nafaqo daro” Ayuu yiri isaga oo hadalkiisa siiw wata.

Xaaladana ayaa kuso beegmaysa xilli Abaaro xooggan ay ka jiraan Gobolada Puntland, kuwaas oo galaaftay nolosha Xoolo badan, halka ay jiraan dad u dhintay Abaarta.

Wasaaradda Caafimaadka dawlada Puntland ayaa looga fadhiyaa inay wax ka qabato xaaladan, isla markaana ay si dhow ula socoto.

www.puntlandi.com.

 

You must be logged in to post a comment Login