abaaraha
|

Geel meel magac leh baa looga soo haraa! W/Q C/risaaq Maxamed Axmed ( C/risaaq Baraag).

Qormadaydan waxaan rajaynayaa in aan ku saxo eray aan is leeyahay waxaa laga saaray booskii uu qaamuuska afkeena kaga jiray. Waa “Mahadho”! Eraygan sidan ayaa loo qeexaa.

Mahadho: “Saamays wax weyn leh oo aan waligiis la illaawin”, [Qaamuuska Af Soomaaliga, 1976]. Guud ahaan se eraygu waa: 1) ceeb, dhoocaar iyo wax aan kaa tirmayn; 2) balaayo, nasiib darro iyo wax aan wanaagsanayn oo tafta laguugu xiro; ama 3) dagaal, hoog iyo meel hongo dhiig ah la daacay. Waxa uu ka sinji qabaa labada qurub ee “ma” + “hadho”. “Ma” waa diidmo, “hadho” na waa jirto ama taagnaato abid. Marka haddii ba eraygu diidmo wato waa “ma tiranto”. Waa walax aan kaa harayn oo wax kugu dhajinayaan! Tii oo aan sidaas u aqaan iyo siyaalo aan ka fogayn in uu eraygani sido mecneyaal taban ayaan arkay in uu nin buug uu is lahaa aad micne togan siisid qoray –waa Cabdiraxmaan C. Faarax ‘Guribarwaaqo’ buuggu na waa Mahadho: Sooyaalkii iyo Waxqabadkii Maxamed Xaashi Dhamac ‘Gaarriye’.

Markan ayaan haddaba gartay in eraygan MAHADHO sidii aan u aqaanay iyo sida loo adeegsadayi kala jaad yihiin. Sidaas awgeed, ayaan goostay bal in aan karaankay baaritaan ku sameeyo eraygan jiritaankiisii hore dhadhankii uu lahaan jiray suugaanta Soomaaliyeed dhexdeeda. Sida uu hadda eraygani ku socdo waxaa loo barbaarinayaa in uu booska kala baxo erayga inaga soo galay af Carbeedka caanka se noqday ee “Taariikh”. Waxaa la doonayaa in meesha laga saaro eraygan oo mid afkeena ah la keeno. Guddoon, waa se in eray ku habboon la raadsho.

Hadda ba, aan keeno waxyaabaha aan ku qoonsaday in erayga MAHADHO lagu baddalo “taariikh” aniga oo aan marna micne cusub siinayn ee darsaya oo kali ah sooyaalkiisii hore iyo midkiisa hadda. Eraygan waxaa suugaan ahaan mar adeegsaday Sayid Max’ed Cabdulle Xasan.

Gabaygu waa mid ka mid ah kuwiisa kaanka ah ee aadka u qiimaha badan. Sidiisii, ayuu ararta ku dheeraanayaa isaga oo wax badan oo dunidan ka jira ina tusaalaynaya, waxa uu se u dig iyo ham leeyahay labo hoggaamiye ciidan oo saraakiishiisii ka mid ahaa oo isku qabsaday hoggaanka ciidan uu jihaad u saaray. Waxa uu doonayaa in aanay guud ahaan arrintaasi dib u soo laabaan gaar ahaan na aan Daraawiish dhexdeeda dib looga maqal. Waxa uu ku billaabay sidan: “Xuseenow micneha gabay adaan kuu miliilicaye, inaan macallin kaa dhigay nafluhu maqal inshaa Alleeye, Mooggan na waxaan oran intii mawdku ka adeegay …”! Aan taabto se meesha eraygu gabayga dheer kaga jiro. Sayidku waxa uu yiri:

 Nin la maagay aan miro yaraan lagu malaynin

 Haddaan laga mayrin jeer dambuu MAHADHO gaystaaye

 Maqaan xumida lala damcaa mawdku ka adeegay

Ninkaas, sida Sayidku sheegay, haddii aan looga soo hoyan marin darradaas maxay ayaa la filayaa in uu samayn doono? Ma taariikh mise balaayo? Anigu waxa aan arkaa in aan doorkan eraygan ku micneeyo “dagaal, dil, qoon iyo wax aan la mahadin”.

Haddii goortaasi siiba fogayd oo ahayd abbaaraha qarnigii tagay billowgiisii, bal aan doorkan na ku jalbeebsano labo gabayaa oo isu jawaabay oo isla qarnigii labaatanaad ee tagay dhammaadkiisii isla eraygan MAHADHO iyana adeegsaday. Waa Khaliif Sheekh Maxamuud iyo Dharbaaxo Jin. Khaliif ayaa ku horreeyey oo yiri:

 Reer Hebelka Mudug jooga oo maashu wada foocday

 Ee la iska maamulanayoo dayrka lagu meershay

 MAHADHO iyo iyaba waa qabaan ciil muggooda ah

Gabaygu waa dheeraa hor iyo dib ba; waxa aan se ka abbaaray inta aan u socdo. “Reer Hebel” na waxa aan ku baddalay beelo magacyadood aanan doonayn in aan danqiyo boogo aan is leeyahay waa laga buskooday; sidaas ayaanan u baddalidoonaa bbeelaha magacyadooda meelihii aan xarafraaca wax yeelaynin.

Doorkan na waxaan arkaa in aan MAHADHO ku sifeeyo in ay si toos ah u qaadatay micne taban oo ay tahay ‘ceeb’ sabab waxaa inoo sii faahfaahinaya erayga ‘ciil’ oo isna meeriska meel sarraysa micnayntiisa kaga jira. MAHADHADAAS ay qabaan ayuu gabyaagu leeyahay ‘ciil’ ayay ku abuurtay. Meel dambe oo kale ayuu isna Dharbaaxo Jin eraygan gashay waa na:

 Adduunyadan majaraha loo ragay oo madaxu hooseeyo

 Adduunyadan Majeerteen reer Hebel gabay ku maagaayo

 Waa maan Barreey iyo maan Bilaal MAHADHADOODIIYE

Doorkan na micne kan sare aan ka fogayn ayuu eraygu qaadanayaa oo sheekada caanka ah ee ku saabsan Barreey iyo Bilaal isaseeggooda lagu soo aroorsho. Bilaal oo addoon reer boqor ahaa ayaa damcay intana boqorka lihi dhalay in loo guursho, inantu na damacday in inta boqorku Bilaal gado iyada dhar xariir ah u iibsho. Gabyaagan, Dhaxbaaxo na, waxa uu arkaa in adduunyadu doorkan marayso meel aad la isu moogyahay. Markaa “taariikh’’ uu ka hadlayaayi ma jirto ee “aqoon xumo iyo micne taban” ayuu jeedaa.

Dhawaan waxaa isna eraygan adeegsaday gabayaaga dhalinta yar ee cabban, Nuurgabay Faaraxgabay Warsamegabay. Waxa uu ka cabanayey madaxdan dhawaanahan Soomaali lagu salliday ee aan xilkaska u badnayn. Gabayga oo cuddoonaa waxaa ka mid ahaa, “Madax tuug ah mooryaan askar ah mudane jaajuus ah …” hadda se waxaynu u soconaa:

 Marag iib ah madax eexasho muxakimiin eey ah

 Intaas oo masiibo iyo bar aan magac u soo waayay

 Hadday maanta nagu meersantahay MAHADHO weeyaane

Miyaanay waxaas gabayaagu soo taxayi dhammaantood “urugo” ahayn? Meeris “taariikh” xun, san ama dhexdhexaad ba ah leh miyuu gabayga ka muuqdaa?

Tixda kaliyeeto ma ahee waxaa eraygan isaga oo tiraab ah adeegsaday Xoghayahii Wasaaradda Tacliinta & Hiddaha 1974 Md. Maxamed Aadan Sheekh mar uu eray ku darsaday buugga caanka ee Diiwaanka Gabayadii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee uu qoray Aw Jaamac Cumar Ciise. Waxa uu qormada ciwaanka uga dhigay “Hordhig” dhammaadkeeda ku yiri, “Odayaashiii tan iyo muddo dheer u guntaday inay uruuriyaan ka dib na qoraan buuggan, waxaa sharaf iyo abaal marinba ugu filan iney waariyeen wixii MAHADHO Sayidka laga hayey, annagana waxay naga mutaysteen mahad iyo ammaan”.

Waa halkan, ayaan is leeyahay, meesha uu qoraagaasi eraygii “taariikh” ka guuray oo MAHADHO buugga soo gashiye ka qorax qaaday; malahayga na fasiraad ku filan la ma siin in uu eraygu halkan lafteeda micne taban ama xanaf ku leeyahay -waxa ay af Ingiriiska ku yiraahdaan ‘negative connotation’.

MAHADHOOYINKA Sayidka ee la diinwaan galiyay miyaa dagaallo iyo balaayooyin kale ba ka maqanyihiin? Dagaalku se marka uu kaa sii jeedo miyaanuu adiga baraarehaaga ahayn? Cadawgaaga iyo cawaankiisa na balaayadiisa ahayn? Waa jawaabaha weyddiimahan meesha ay ka falanto in aan waxyaabahii Sayid Maxamed ku hawlanaa iyo waxyaabahii uu Gaarriye ku hawlanaa isku magac la siin karin.

Goorma ayuu Gaarriye balaayo dhigay?

Halkan se haddii erayga “taariikh” Carabinimada lagu qoonsaday maxay inoo jirtaa “sooyaal”? Sow ku ma filna “Sooyaalkii Hebel Hebel” meeshii “Taariikhdii Hebel Hebel” intii aynu micnaha ka baddali lahayn eray horay micne kale u lahaa kaas oo aynaan axankiisii wali dhigin?.

 

                                                  Geel meel magac leh baa looga soo haraa!

                                                               W/Q C/risaaq Maxamed Axmed ( C/risaaq Baraag)
                                                           IbnBaraag@gmail.com/

Comments are closed