abaaraha
|

Guddiga Doorashada heer Puntland oo Xamar laga hagayo, Liiskii Saxda ahaa ee Beelaha qaar oo la diiday iyo Xubnihii Damal-jadiid oo Lacag badan qaybinaya

??????????Mas’uuliyiinta Madasha Qaran ee Soomaaliya ayaa horay isugu raacay in Xildhibaanada Aqalka Hoose iyo Sare lagu soo xulo xarumaha maamulada, si loo helo Xildhibaano tayo leh oo matali kara Ummadda Soomaaliyeed.

Dadweynaha Soomaaliyeed ayaa go’aankaas ka muujiyay rajo wannaagsan, hasa yeeshe waxaa soo baxay talabooyin liddi ku ah rajada la galiyay shacabka.

Doorashooyinka Aqalka Hoose ayaa waxaa si toos ah u farageliyay Musharixiinta u tartamaya jagada Madaxnimada Soomaaliya, kuwaas oo doonaya inay helaan Xidhibaano soo doorta.

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee heer Puntland ayaa noqday kuwo taladooda iyo go’aankooda looga soo yeeriyo magaalada Xamar,waxaana Garowe buux dhaafiyay rag Mushariixin ah oo wata lacago ay kaso qaateen Kooxda DALMUL-JADIID.

Madaxda guddiga khilaafaadka ayaa isku dayay inay xaliyaan faragelinta, hasa yeeshe waxaa arrintaas si wayn uga soo horjeestay guddiga Federaalku ay magacowday, maadama go’aankoodu uu ahaa toosin, dhinaca kale wuxuu liddi ku ahaa sida ay wax u doonayaan Kooxaha Muqdisho.

Guddoomiyaha guddiga doorashada heer Federal Cumar Dhagey ayaa laalay shaqada guddigii xalinta khilaafaadka doorashada ee heer Puntland, arrintaas oo ujeedadeedu ay tahay inaan laga jawaabin oo la qariyo cabashooyinka beelaha iyo Musuqmaasuqa hareeyay doorashada Aqalka hoose.

Dhinaca kale, Madaxtooyada Puntland ayaa u muuqata mid raali uga ah Gudiga Doorashada heer heer Puntland kala shaanddheynta ay ku wadaan Musharixuinta Xildhibaanada iyo Ergada Dooraneysa Xildhibaanada, Waxaana muuqata in Gudiga Doorashada heer Puntland ay si toosa u faragalinayaan Xubnaha ay Beeluhu soo dirsadeen iyaga ku badalaya Liis meelo kale laga soo diyaarshey oo isla Beelaha ah.

Beelaha qaar ayaa Gudiga ku eedeynaya in laga boodey Ergaday soo dirsadeen taas badalkeedana waxaa liiska lagasoo buuxshey Xubno isla Beesha ah laakiin aysan Beeshu soo dirsan kuwasoo jiifa Hotelada Garowe, taasi waxay dhalisay in Ergooyinka badan oo reer Puntland ay ka baxaan doorashada saaka ka bilaabatay Garowe, kadib markii ay sheegeen in Ergooyin aysan iyagu soo xulin lagusoo daray Doorashada, waxayna arrintaasi meesha ka saaraysaa in la helo Xildhibaano matali kara shacabka oo ku yimi si xalaal ah.

Bulshada reer Puntland ayaa sanadka 2016-ka rajo ka qabay inay helaan Xildhibaano matali kara, laakiinse waxaa si cad u muuqanaya in rajadaasi ay ceeldheer ku dhacday.

Waxaa jira Musharixiin doonaya inay Xildhibaano noqdaan oo ay daahagadashiisa ka taagan tahay dawlada Muqdisho, kuwaas oo la doonayo inay u tartamaan jadaga Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Lama yaqaan sida ay xaaladu noqon doonto, waxaana jira Xildhibaano Mushariixin ahaa oo walaac xooggan muujiyay oo uu ka mid yahay Cabdibare Yuusuf Jibriil oo sheegay in doorashadda Aqalka Hoose ay si toos ah gacanta ugula jiraan Kooxaha MUQDISHO.

Wixii kaso kordha Wararkan dib ayaan idiin kala socod siin doonaa, hadduu EEBE idmo.

www.puntlandi.com.

 

Comments are closed

aet