abaaraha
|

Puntland Baarlamaan ma leedahay mise….


IMG_0218Baarlamaanka Puntland ee hada jira ayaa lagu eedeeyey iney ka seexdeen shaqadii loo igmaday gabi ahaan, Baarlamaanka oo ah Hay’ada sharci dejinta ayaa shaqadooda ugu muhiimsan waxay ahayd la xisaabtanka Xubnaha Xukuumada iyo sharci dejinta Puntland.

Sadexdii sano ee lasoo dhaafay waxaa Puntland ku habsadey Baarlamaankii ugu tayada Yaraa mudadii Puntland soo jirtey, waxaa sidaas Puntlandi u sheegey Aqoonyahan falanqeeyay arRimaha Siyaasada oo magaciisa ka gaabsadey in Saxaafadda la sheego.

Tani waxay muujineysaa in hada la gaaray xiligii dib u habaynta (Reform) lagu sameyn lahaa Gabi ahaan Baarlamaanbka Puntland oo la Aasaasay mudo 19 sano laga joogo, iyadoo xiligii la aasaasay ilaa hada aan Wax refom ah lagu sameyn.

Baarlamaanka Puntland waa 66 xildhibaan, waxaa la Aasaasay 1998-dii, xiligaas daruufihii jirey maanta ma jiraan, tan kale Wax casriyeeyn ah laguma sameyn Xildhibaanada tiro ahaan iyo tayo ahaanba, Xiligaas la aasaasay Baarlamaanka iyo maanta faraq weyn ayaa u dhexeeya Puntland, Xildhibaanadu waa iney matalaan shacabka waana in tara ahaantoodu ay ku jaan go’an yihiin Shacabka ay matalaan, hadii taasi aysan jirin waxaa loo baahan yahay Reform(Dib u habayn) Deg deg ah, Waxaa sidaas yiri Aqoonyahan Saciid Xasan.

Baarlamaanka hada ka jira Puntland Wax shaqo ah oo ay u qabtaan Shacabka Puntland ma jirto,taasina waxay dib u dhac iyo tayo xumo ku rideysaa Puntland,

Muuse Cali Jaamac oo sharciga ku xeel dheer kuna sugan Bosaso wuxuu yir `´ Mushahar ahaan waxay qaataan Xildhibaanadu lacag ka badan Kun Doolar iyo gunnooyin ay qaataan markay yeeshaan kalfadhiyada caadiga ah, waana Hay’ada kaliya ee Mushaarkoodu ku hela wakhti go an bil walba, Xukuumadu way doonaysaa in Xildhibaanadu ay iska hurdaan xogaagoodana iska qaataan, taasi waxay dhaawacaysaa horumarkii Puntland“

Sharciyaqaan Muuse Cali Jaamac wuxuu sido kale sheegay  in hadii Baarlamaanku uu gudan waayo shaqadiisa in ay meesha ka baxayso dowladnimadii iyo kala dambeyntii iyo in loo adeego shacabka.

Aqoonyahan kale ayaa isna yiri “Golaha wasiirada ee hada jiraa waa kuwo aan haba yaraatee Wax shaqo ah qaban, Baarlamaankii la xisaabtami alahaana waan kan sidaas u dhaqmaya, Baarlamaanku waxay ahayd iney u yeeraan Wasiir walba oo imtaxaamaan, haduu xilkiisa gudan waayana ay talaabo sharci ah ka qaadaan, waxay ahayd iney la xisaabtamaan Gudiyada loo magacaabo maaraynta masiibooyinka sida Gudiga abaaraha iyo Gudiyada la midka ah, Waxay ahayd iney la xisaabtamaan ama dabagal ku sameeyaan Miisaaniyada Dalka,Hadii miisaaniyad dheerada loo bahan yahay iypo hadii kale iyo waliba sida ay ku baxdey, waxasoo dhan ma aragno, marka Xildhaabku muxuu Xildhibaan ka yahay.

Maalmahaan waxaan idiinsoo gudbinaynaa Waraysiyo iyo Barnaamijyo aan ku eegeyno Shaqada Baarlamaanka Puntlan, wixii macluumaad ah ama hadaad dooneyso inaad ka qayb qaadato Barnaamijka nagalasoo xiriir post@puntlandi.com ama 123@puntlandi.com.

www.puntlandi.com.

Comments are closed