|

Maamulja Gobolka Bari iyo taliska qaybta Booliska Booliska gobolka, ayaa si wada jir ah uga hadlay Weerarkii qorshaysnaa ee xalay lagu qaaday Bar-kaantarool oo ay joogeen ciidanka Booliska Puntland.

Guddoomiyaha Gobolka Bari oo ku horeeyay hadalka, ayaa sheegay in Weerarka ujeedadiisu ay ahayd in amniga lagu khalkhal galiyo, isla markaana ay daba joogan Kooxihii Weerarka ka dambeeyay.

Wuxuu soo hadal qaaday saddexdii qof ee Kooxda Daacish ay Madaxa ka gooyeen wuxuu sheegay inay saddexdaa qof ka tirsanaayeen ciidanka Daraawiishta Puntland.

Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Bari Cabdixakiin Amxed oo isna ka hadlay shirka Jaraa’id ayaa sheegay in Kooxda Weerarka ku qaaday ciidanka ay wateen dhalooyin ay ku jiraan waxyaabaha qarxa, kuwaas oo saddex ka mid ah ay soo bandhigeen.

Cabdixakiin ayaa sheegay in mid ka mid ah la dhaawacay, ayna qaateen, wuxuu sheegay in ciidanku ay hawlgal wadaan, soona qabanayaan.

Weerarkii xalay ayaa waxaa Mas’uuliyadiisa sheegtay Kooxda Shabaab sida ay ku qoreen Warbaahinta afkooda ku hadasha.

 

 

Comments are closed