abaaraha
|

Puntland oo Soomaaliya u matashay shir caalami ah oo looga hadlayay horumarinta ganacsiga aduunka

Shir looga hadlayey sidii loo horumarin lahaa ganacsiga aduunka oo ka dhacay magaalada Baku ee wadanka Azerbaijan ayaa waxaa ka waxaa Soomaalia uga qayb galay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Puntland mudane Cabdiweli Xirsi cabdille (Indho guran).

Shirkaan waxaa kasoo qayb galay 23 dawladdood iyo shirkado badan oo aduunka ka socda iyadoo dawlad walba iyo shirkad kasta gudbinaysay waxyaalaha ay rabto in laga qaato wadankooda.

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ayaa halkaas kusoo bandhigay waxyaalaha laga heli karo Puntland kuwaas oo usoo jiitay dawladdihii iyo shirkadihii shirka yimid. Waxaana ka mid ahaa waxyaalaha wasiirku soo bandhigay kalluunka. Maydiga, Beeyada, Xoolaha nool iyo Hargaha.

Waa markii ugu horeysay oo shir noocaan oo kale ah ay Puntland u matasho soomaaliya Iyadoo caalamku bartay khayraadka Puntland dhulkeeda laga helo.

DAAWO SAWIRRADD.

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login