|

Breaking News– Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya oo kulan deg deg caawa isugu imanaya Baydhabo

Kulan aan horey loo shaacin oo ka horeeya Kulanka ay beri ku balan San yihiin Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa caawa wuxuu ka dhici doonaa Baydhabo.

Madaxweynayaasha Puntland,Koonfur Galbeed, Hirshabeele iyo Jubbaland ayaa Kulanka isugu imaanaaya.

Sida ay Puntlandi xogta ku hayaan Waxaa Shirka kan caawa Madaxda kale ku casumay Madaxweynaha Jubbaland isagaana laga war sugayaa ajandaha Shirka gaaban ee caawa dhici doona.

Waxaa loo badinayaa in Kulanka caawa looga hadli doono Qodobo ka baxsan ajandaha Shirka beri, ajandahasoo u muuqda mid xasaasi ah oo deg dega.

Dhinaca kalena Madaxweynaha Dowlada Federaalka Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa wuxuu ku sugan yahay Dalka Qatar.

Madaxweyne Gaas ayaa isna Galabta wuxuu soo gaaray Baydhabo.

Hoos ka EEG Goobta Shirka beri uu ka furmi doono

Comments are closed