|

Breaking News–Shirka Maamul Goboleedyada ee Baydhabo oo Qodobo xasaasi ah looga wada hadli doono

Shirka beri Baydhabo uga furmi doona Madaxweynayaasha Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa looga wada hadlayaa Qodobo xasaasi ah Sida sy warka ku hayaan Howlwadeenada Warbaahinta Puntlandi.com

Sida aan Warar hoose ku helnay waxaa Shirka looga hadli doonaa Xaalada Siyaasadeed ee u dhexaysa Dowlada Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

Waxaa kaloo Shirka looga wada hadli doonaa Xiriirka Soomaaliya iyo Wadamada Carabta, Mowqifka Soomaaliya ee ku aadan Lhilaafka Wadamada Carabta.

Kulanka Madaxda sare ee Masmul Goboleedyada Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xili khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay Villa Soomaaliya iyo Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya.

Wixii soo kordha kala soco Puntlandi.com

Comments are closed