|

Sawirro:- Jaamacada Bariga Afrika Oo 20,000 kun Oo doolar ugu deeqday Dismaha WadadaCeeldaahir iyo Ceergaab

Jaamacada Bariga Afrika qeybteeda Bosaso ayaa lacag dhan ($20,000) doolara ugu deeqay dhismaha wadad xiriirisa Ceeldaahir iyo Ceergaabo oo hada dhismaheedu marayo meel wanagsan wanaa markii afarad oo ay Jaamacadu gudoonsiiso gudiga wadada Ceeldaahie-iyo Ceergaabo.

Munasabad kooban oo lacagtan lagu wareejinayey ayaa waxa ay ka dhacday Jaamacada Bariga Afrika ee Bosaso waxana goob joog ka ahaa gudoomiye ku xigeenka Jaamacada madax ka tirsan Jaamacada  iyo gudiga wadada Ceeldaahir-iyo Ceergaabo.

Gudoomiye ku xigeenka Jaamacada Bariga Afrika Maxamuud Maxamed Ciise Awoowe ,Salwe gudoomiyaha dhinaca academic iyo Madax Maaliyada ee Jaamacada Bariga Afrika ayaa waxa y aman u soo jeediyeeyn Ardayda oo kalin weyn ka qaadatay deeqadan lacageed .

Aniga oo ku hadlaya afka Jaamacada Bariga Afrika  waxan halkan ku wareejinaynaa taakulo lacageed oo dhan [$20,000] oo doolar oo anu ugu talagalnay in aanu ku dhiirigalino guduga gacanta ku haysa dhismaha wadada Ceeldaahir iyo Ceergaabo si loo dhameystiro. sidaas waxa munasabada wareejinta lacagta ka sheegay Gudoomiye ku xieenka Jaamacada Bariga Afrika Maxamud Maxamed Ciise Awoowe .

Gudoomiye ku xigeenka wadada Ceeldaahir iyo Ceergaabo Cali Ceelaayo ayaa Amaanay Jaamacada Bariga Afrika sida wanasgan ay uga qeyb qadanayso taakuleynta wadada si loo dhameystiro.

Waa markii Afraad oo ay Jaamacadu ka wareejiso lacag deeq ah gudiga wadada Ceeldaahir iyo Ceergaabo .

You must be logged in to post a comment Login