|

Maxaa looga hadli doonaa Shirka Baydhabo Ee Madaxda Maamulada dalka ?

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay waxaa lafilayaa in goor dhaw uu ka furmo shirkii Madaxda Maamulada dalka ee Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa ka qaya qaybgalaya Madaxweynyaasha  Maamulada Puntland. Jubaland , Galmudig  koonfur Galbeed  , iyo Hirshabeele.

 

Ajandaha shirkan ayaa lagu sheegay in uu yahay sidii looga tashan lahaa Xaalada Guud ee dalka  Soomaaliya , iyo Qodobka labaad oo ah Xal u helista khilaafka khaliijka oo ay ku kala aragti duwan yihiin Madaxda Mamaulada dalka Soomaaliya iyo dowladda Fadaraalka Soomaaliya .

Maamul Goboleedyada dalka ayaa aaminsan in dowladda Soomaaliya ay ka baxday Mowqifkii dhex dexaad ka ahaa ee khilaafka  khaliijka ,ayna lasafatay dowalada Qadar.

 

Shirkan ayaa ku soo beegmaya xili uu Madaxweynaha dowladda Fadaraalka Soomaaliya  uu ku suganyahay  dalka Qadar.

 

 

 

 

Comments are closed