|

(Dhagayso)+Sawirro:- Shirkii Baydhabo Ee Madaxda Maamulada dalka Oo Furmay

Magaalada Baydhabo waxaa si toos ah goor dhaweyd  uga furmay Shirkii Madaxda Maamulada dalka Soomaaliya.

Madasha uu Shirkan ka furmay ayaa waxaa  Madaxda ku soo dhaweeyay goobta Madaxeyne Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isagu Marti galiyay shirkan.

Amaanka Xarunta uu shirku uu ka dhacayo ayaa ad loo adkeeyay  Waxaana Amniga sugaya Ciidamo isugujira  Nabad  sugida Soomaaliya iyo kuwa Amisom.

Madaxada ku shiraysa Magaalada Baydhabo ayaa la filayaa in shirkoodan  oo ah mid ay Albaabada ulaabanyihiin ay ka soo saari doonaan   marka uu soo dhamaado  War murtiyeed ka kooban dhowr qodob.

Madaxweynaha Jubaland Amed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Dhawaan Kismaayo ka sheegay in dowladda Fadaraalka Soomaaliya ay  jabisay Mowqifkeedii ahaa in dhex dhexaad laga noqdo khilaafka khaliijka ,taa badalkeedna ay Dowladdu  taageero u Muujisay dalka Qadar.

Madaxweyne Farmaajo oo shalay u amba baxay dalkaasi Qadar ayaa waxaa la sheegay in uu Safarkiisa uu ka reebay Wafdigii lasocday  Wasiirkii arimaha dibada ee Soomalaiya waxaana sababta lagu sheegay in uu  Wasiirku taageersanyahay  Imaaradka Carabta .

Shirkan ayaa lasheegay in looga doodi doono Qaybsiga khayraadka dalka, Amniga, iyo xal uraadinta khilaafka  khaliijka oo ay Madaxda Dowladda Fadaraalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulada dalka ay ku kala qaybsameen.

Shirkii kii ka horeeyay ayaa waxa ay Madaxda Maamulada daka ay ku qabteen  Magaalada Kismaayo ee Xarunta Mamulka Jubaland.

 

Halkan ka dhagayso Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiwali Cali Gaas oo ah  Gudoomiyaha Madasha Madaxda Maamulada dalka oo Shirkan daah furay .

      Madaxweyne Gaas

 

 

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Comments are closed