|

(Dhagayso) Gudoomiyaha Gobolka Bari ” Magalaada Bosaaso Waan Qurxinaynaa Quxintana waxaan ka bilaabaynaa hantida Dowladda kuma eka Oo kaliya shacabka Bosaaso

Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhado oo Xubin ka ah Gudigii uu dhawaan Madaxweynaha dowladda Puntland  C/wali Cali Gaas  uu u magacaabay  Soo celinta bilicda Magaalada Bosaaso iyo hantida Dadweynaha ayaa  sheegay in Magaalada Bosaaso la qur xin doono  ,qurxintaas  oo  lagana bilaabi doono hantida Dowladda.

 

Gudoomiye Dhado ayaa sheegay sidookale  in sharciga ay usiman yihiin shacabka iyo dowladda , dhismayaasha dowladdana  lagu fulin doono  Howlgalka bur burinta Magaalada Bosaaso .

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ujeedada loo duminayo xarumaha Dowladda ee laamiga ku dhaw ay tahay oo kaliya in  bilicda  Magaalada ay qayb ka noqdaan,  lagana durkin doon Xarumaha Dowladda  ilaa iyo 5 mtr halka ay laamiga ujiraan.

 

Hadalkan ayuu Gudoomiye Dhado waxa uu ka sheegay Munaasibad lagu dhagax dhigayay Saldhiga bartamaha Magaalada Bosaaso oo si Casri ah loo dhisi doono.

      Gudoomiye Dhado

 

 

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Comments are closed