|

(Dhagayso) Nabadoonada Gobolka Bari Oo Soo dhaweeyay Heshiiskii Taariikhiga ahaa Oo ay ku kala Saxiixdeen Deegaanka Saax dheer Beelaha Cumar Maxamuud Iyo Bahararsame

Nabadoonada ,Cuqaasha, wax Garadka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan  Gobolka Bari ayaa si kal iyo laab ah u soo Dhaweeyay  Heshiiskii  dhawaan ay kala saxiix deen Beelihii mudada Dheer  ay dirirtu u dhexaysay ee  kala ahaa  Cumar Maxamuud Iyo Bahararsame.

Heshiiskan ayaa waxaa ka qayb qaadatay oo gacan wayn ka gaysatay  una fudu daysay qab soomidiisa  Isimada dhaqanka  Dowladda Puntland , waxaana Amniga Deegaanka uu Heshiisku uu ka dhacay sugayay  Ciidamada  Dowlad deegaanka Itoobiya.

Nabadoonada Gobolka  Bari ayaa sheegay in ay walwal badan ay ku haysay dirirtii udhexaysay Beelahan ood wadaagta ah, ayna ku farax san yihiin in  guud ahanba la soo afjaro colaadaasi .

Halkan ka dhagauso Afhayeenka Nabadoonada Gobolka Bari Nabadoon C/qaadir Axmed Xarago  oo Waraysi gaar ah siiyay  Warsidaha Puntlandi.com .

      Nabadoon Xarago

.

 

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

You must be logged in to post a comment Login