|

BREAKING NEWS:- Dagaal culus oo udhexeeya ciidamada difaaca Puntland iyo kuwa Somaliland oo ka socda Tukaraq.

Dagaal culus oo dhexeeya ciidanka difaaca Puntland iyo Somaliland ayaa saaka Aroortii ka Qaraxay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Dagaalka ayaa lagusoo waramayaa inuu ka socda jiidaha hore ee Tukaraq iyo dhinaca koonfurta

Illaa iyo hadda ma jirto wax faahfaahin ah oo ku saabsan khasaaraha dagaalkaan.

Warsidaha Puntlandi oo goor dhowayd la hadlay goob jooge ku sugan Tukaraq, ayaa sheegay  in ciidamada difaaca Puntland ay ku gacan sareeyaan dagaalka islamarkaana ciidamada Somaliland laga saaray farriisimo ay ku jireen.

Wixii faahfaahin ah oo dambe kala socda Puntlandi.

You must be logged in to post a comment Login