|

Madaxtooyada dowladda Puntland oo war saxaafadeed kasoo saartay xaalada Tukaraq iyo dagaalka socda.

Madaxtooyada Dawladda Puntland.

War-saxaafadeed.

Sida ay la socdaan dl1ammaan ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha caalamku 8 January 2018 ka, iyada oo uu safar ku joogo Puntland Madaxweynaha Dawladda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa weerar kusoo qaaday gobolka Sool Maamulka Soomaaliland, iyadoo ay horey Soomaaliland u haysatay dhul Puntland ay leedahay.

Sida lawada og yahay wuxuu horey ugu dhawaaqay Madaxweynaha Muumulka Soomaaliland inuu mandiqada ka abuuri doono colaado lagu riiqan-doono, isagoo ku andacoonaya inuu soo xirayo xuduudo uu lngriisku siiyay,

Sidaa darteed ayuu maanta oo ay taariikhdu tahay 15 bisha May mar labaad kusoo qaaday weerar deegaamo hor !eh oo ay Puntland leedahay, isagoo ku marin habaabinaya shacabka Soomaaliland inuu fulinayo ballan-qaadyadii dooradiishii, waxayna taasi cadayn tahay u tahay xiisadaha colaadeed ee uu waddo Maamulka waqooyi galbeed ee Soomaaliya.

Pnntland waxay in muddo ah ilaalinaysay colaadashada dhiig Soomaaliyeed iyo deganaanshaha iyo xasilloonida Dawladnimada ummada Soomaaliyeed, sidaa darteed Puntland waxay ku dadaashay dulqaad iyadoo lagu soo duulay dhulkeeda, nasiib darro waxaa caddaatay in laga soo hurinayo dagaalo iyo colaado hor leh Magaalada Hargeysa.

Sidaas darteed Dawladda Puntland waxay ka hortgai doontaa dullaan kasta oo lagu soo qaado dalkeeda iyo dadkeeda, isla markaana uma dulqaadan doonto dagaalo iyo abaabulo looga soo qaado Hargeysa, uma dulqaadan doonto Puntland hab-dhaqanta cadaawadeed ee Maamulka Hargeysa.

Dawladda Puntland wax. ay u caddeynaysaa dhammmaan shacabka Soomaaliland, Ummada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalanka-ba in Puntland aysan wadin duullaamo iyo shaqaaqooyin waxyeelaya xasiloonida iyo deganaanshaha ummada Soomaaliyeed .

Ugu dan1beyntii Dawladda Puntland waxay u sheegaysaa shacabka Puntland inay ilaashadaan wadajir kooda iyo xasiloonidooda, isla markaana ka feejignaadaan wax kasta oo waxyeeli kara deganaanshadooha,

Xafiiska Athayeenka Madoxtooyada Dawladda Punlland

 

Comments are closed