|

(Daawo Muuqaal)Wasiirka Warfaafinta Puntland oo ka hadlay Dagaalkii Tukaraq

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xiris Cali Qarjab oo saxaafada kula hadlay Xafiiskiisa ayaa ka hadlay dagaalka ka soconaya deegaanka Tukaraq ee Gobalka Sool.

Wasiir Cabdi Xirsi ayaa sheegay in saakay subaxnimadii hore ciidanka Soomaaliland weerar gardaro ah kusoo qaadeen ciidamada Puntland islamarkaana ay iska difaaceen ciidanka Puntland.

Wasiirku faahfaahin kama bixin qasaaraha ka dhashay dagaalka balse waxaa uu sheegay in qasaare xoogan ay u gaysteen ciidankii weerarka soo qaaday isagoo shegay inay dib kasoo sheegi doonaan.

Halkaan Hoose Ka Daawo Muuqaalka.

Puntlandi.com

Comments are closed