|

Breaking News : – Warar hordhac ah+Sawiro — Ciidamada Difaaca Puntland oo Gaadiid iyo hub Ka qabsadey Maleeshiyaadka Soomaaliland



Dagaalka Maanta ka qarxay Deegaanka Tukaraq ayaa ah kii ugu cuslas tobonkii sanoo lasoo dhaafay kadib markii ay Maleeshiyaadka Maamulka Hargeysa ay isku dayeen iney soo weeraraan Ciidamada Puntland.

Qof goobta Dagaalka jooga ayaa Puntlandi u xaqiijiyey in Ciidanka Puntland ay la wareegeen laba fariisin, Afar gaadiid Dagaal ah oo mid yahay Beebee ay ka furteen Maleeshiyaadka Hargeysa.

Khasaaraha Rasmiga ah Ilaa hada Lama heli karo tiradoods laakiin Dhinaca Puntland waxaa kaloo xaqiijiyey 3 dhimasho ah iyo 11 dhacwac Sh, Dhawaca durba Garowe ayaa la keentey iyo hal asakari oo wadada kusoo geeriyooday dhawaca soo gaaray awgeed.

Dagaalka ayaa goor dhaweyd hakaday kadib markii roobab xoogan ka bilowdeen goobaha Dagaalku ka socday.

Ciidamada Puntland waxay hada ku sugan yihiin goobihii ay kala wareegeen Maleeshiyaadka.

Sawiro hordhac ah Hoos kadaawo

Sawirku waa Beebeegii laga qabsaday


Faahfaahin buuxda goor dhow naga filo.

Puntlandi.com

Xarunta Wararka deg dega ah kalasoo Xiriir Puntlandi.com

Comments are closed