|

BREAKING NEWS:- Dagaalkii Tukaraq oo mar kale dib u bilowday iyo ciidanka difaaca Puntland oo la wareegay Tukaraq.

Tukaraq (Puntlandi) Dagaalkii Tukaraq ayaa mar kale si xoogan uga bilowday farriisimihii ay labada ciidan ku kala sugnaayeen, kadib markii uu istaagay Roob xoogan oo halkaasi ka da’ayay saacadihii ugu dambeeyay.

Masuuliyiinta dowladda Puntland ayaa xaqiijiyay inay ciidanku si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta Tukaraq iyo farriisimihii maleyshiyada Hargeysa ku sugnaayeen.

Warar horudhac ah oo uu helayo warsidaha Puntlandi ayaa sheegaya in dagaalkii saakay uu ku dhintay Taliyihii ciidanka Maamulka Soomaaliland ee aaga Tukaraq.

La socda wixii kusoo kordha.

Puntlandi.com

 

Comments are closed