|

Faahfaahintii u dambeysay Dagaalkii Tukaraq oo makhribkii istaagay

Dagaalkii Saaka ka bilowday Deegaanka Tukaraq ayaa istaagay Makhribkii,

Ciidamada Difaaca Puntland ayuu guulo ka garay Dagaalka waxayna Maleeshiyaadka Hargaysa ka qabsadeen hub iyo Gaadiid iyagoo kala wareegey dhamaan fariinadoodii Deegaanka Tukaraq.

Ciidanku waxay duhurnamadii maanta Gudaha u galeen Tuulada Tukaraq laakiin waxay galinkii dambe maanta uga ruqaansadeen Dhinaca Galbeedka halkasoo ay isku urur sanayeen Maleeshiyaadkii laga saaray Magaalada, Waxaana halkaas ka bilowday Dagaal socdey Sadex saac Ilaa makhribkii dagaalku istaagay.

Khasaaraha labada dhinac Ilaa hada Lama hayo tiro rasmi ah laakiin Howlwadeenada apuntlandi.com waxaa loo xaqiijiyey Dhinaca Puntland dhimashadu waa 17 Askari iyo 34 Dhawac ah.

Maleeshiyaadka Hargeysa waxaa la xaqiijiyey 41 dhimasho ah oo uu ku jiro taliyahoodii.

Wariye ku sugan Laascaanood wuxuu noo xaqiijiyey in dhaawaca Magaalada lakeeney uu Ilaa hada gaaraya 57.

Tirada khasaaraha labada dhinacba Way ka badan kartaa inta aan kor ku xusney laakiin intaas ayaa Puntlandi loo xaqiijiyey.

Puntland waxay gacanta ku dhigeen Afar gaari waxayna guben 9 gaari , Dhinaca Puntland 6 gaari oo uu ku jiro Tangi god ku dhacay ayaa khasaare soo gaaray, mana jiraan Gaadiid laga qabsadeen.

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login