|

Durba Heestii Hoos ma loo dhigay : – Muse Jaahil iyo Faysal Dhurwaa oo khalkhalay iyo Maydkii Taliyihii Ciidanka Tukaraq Col.Maxamed Daauud oo Burco la geeyey.


Ciidanka Difaaca Puntland

Sida laga wada warqabo saaka subaxii hore waxaa dagaal aad u qaraar ku dhex maray aaga Degmada Tukaraq Ciidamada naftood hurayaasha ah ee difaaca Puntland iyo Ciidanka Qabaailka Jeeganta ee maamulka Hargeysa ee uu hor boodo Gaashaanle Muse Biixi.

Dagaalka maanta ka dhacay Tukaraq ayaa Ciidamada Difaaca Puntland ku soo afjareen sannado badan oo laga joogi waayey daandaansiga,hadaaqa iyo afxumada maamulka iyo siyaasiyiinta Somaalidiidka ah ee ka arimiya Magaalada Hargeysa.

” SOO JOOG NINKII LAGA WAAYO, SOO JIIF BAA LAGA HELAA “

Wasiirul Dawlaha Madaxtooyada ahna Afhayeenka Xukuumada Puntland Mudane Cabdullahi Quran-Jecel ayaa galabta isaga oo ku sugan Degmada Tukaraq u sheegay warbaahinta in Ciidanka Difaaca Puntland maanta cashar taariikhi ah u dhigeen falaagada Somaalidiidka ah ee weererka naf la caariga iyo qiiq isku qariska ah ku soo qaaday aaga hore ee difaaca Ciidanka Puntland.

Dagaalka maanta ayaa ku soo aaday iyo maamulka Muse Biixi la daalo dhacaayo dagaalada sokeeye ee maamulkiisu ka holciyeen degaanada Ceel Af weyn, iyo sidoo kale iska horimaadada iyo banaabaxyada ka socda magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo ee looga soo horjeedo Maamulka Jeegaanta Qabiil ee uu hogaamiyo.

Ujeedada Dagaalka maanta uu u soo qaaday Muse Biixi ayaa salka ku haysay marin habaabin uu ku khaldaayo rayul caamka shacbiga Waqooyi Galbeed, isla markaana uu uga jeedinayo xaqiiqada runta ah iyo colaada sokeeye ee uu ka bilaabay Bariga Gobolka Sanaag

Wararka ka soo baxaya magaalada Burco ayaa tibaaxaya in caawa Hospitaalka magaalada la soo gaarsiiyey dhaawac iyo meyd fara badan oo ka mid ahaa Taliyihii Ciidanka Qabaa’ilka Jeegaanta ee Muse Biixi ee degaanka Tukaraq Korneyl Maxamed Daauud Nuur oo ka soo jeeda Beesha Habar Awal, Jilibka Sacad Muse, siiba Jifada Jibril Abokor ee reer Gabiilay.

Dagaalka Maanta ayaa sababay in Hogaamiyaha Maamulka Hargeysa Muse Biixi uu saaka isku dhex yaaco.

Gaashaanle Muse Biixi oo maanta hadal ka jeediyey isu soo bax maamulka Somaalidiidku ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa khudbadisii noqtay mid khalkhal weyn oo shakhsi ahi ay ka muuqatay.

Muse oo ka argagxay dhirbaaxada ku dhacday malooshiyooyinkii uu u ku uruuriyey deegaanada uu gardarada ku joogo ee Gobolka Sool ayaa maanta khudbadisii ku cataabay oo yiri ” Dawlada Federaalka ee Somaliland,ayaa soo weerartay Qaranka Somaliland ” waa hadal is daba marsan oo xaalada uu ku jiro laga dheehan karo.

Sidoo kale Gashaanle Muse Jaahil ayaa khudbadiisa ku xusay Allaah u naxariistee Madaxweynihii Hore ee Somaaliya Maxamed Siyaad Barre, Allaah u naxariiste Jeneral Gaani iyo Morgan.

Gashaanle Muse ayaa hadalka u dhigay sidan ” Ciidanka Puntland waxaanu u dhigi donaa casharkii aanu siinay Adeerkood Afweyne 30 sano ka hor “ hadalka Muse waxaa ka muuqata caadifad iyo inuu weli uu u ciil qabo colaad qabiil, isagoo is xijinaya in Puntland iyo Allaah ha u naxariistee Maxamed Siyaad ay isku reer yihiin, yacnii Daarood

Somaalidu murtideeda waxaa ka mid ah ” Sal Salee, wallee Saakana kaa harin ” Muse iyo Faysal Cali Dharwaa ama Daarood isku qaad ama Siyaad Barre soo xusuuso walle iyo Bilee waa siday u bilaabantay, taladana ku darso in aadan nabad ku joogeyn dhul aadan geyin in aad joogto.

Gabgabadii waxaanu shacbiga iyo Ciidanka Difaaca Puntland ugu hambalyeynayaa guusha maanta ee ay ku difaaceen sharaftii,damiirkii, qiyamkii ummada iyo Ciida Puntland ee Muqadaska ah.

Waxaanu mar kale ugu baaqeynaa Shacbiga Puntland ee gude iyo dibada ku dhaqan in maal iyo muruqba la garab istagaan Ciidanka Xaq u dirirka ah ee Difaaca Puntland.

Dhulka sow anigu ma lihi, Ninkii Hargeysa ka soo duulay bay geeridu dhibaysaa

Comments are closed