|

Wadamada Islaamka Oo intabadan isku Waaqay in Maalinta Beri ah ay tahay Maalinta 1aad Ee Ramadaan

Maalinimada khamiista ah  Taariikhduna ay ku beegantahay 7 bisha May intabadan Wadamada Islaamka waxa ay isku raaceen in ay tahay maalinta ugu horaysa ee Bisha Ramadaan.

Wadamada Islaamka ah ee ku dhawaaqay in maalinta beri ah ay Tahay maalinta koowaad ee Ramadaan ayaa waxaa ka mid ah

Sacuudiga ,Urdun, Falastiin, Masar, Indonesia, Kuwait iyo  wadamo kale  oo Muslim ah.

Dalka Soomaaliyana Wasaarada Diinta iyo Owqaafta ee Dowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa sheegtay in maalinta khamiista ah la soomo ,waxayna ka digtay in la furo dhamaan goobaha ganacsi gaar ahaan Maqaayadaha Cuntada lagu kariyo.

Sanadkan waxaa muuqata  in dhamaan Wadamada Islaamka aysan ku kala aragti duwaneen  dhalashada Bisha barakaysan ee Ramadaan .

Amaanka Magaalada Muqdisho  ayaa aad loo adkeeyay Bishan  Maadaama xiligan oo kale  ay Al-shabaab  kordhiyaan Weerarada isqarxinta ah iyo dilalka qorshaysan  oo ay ka fuliyaan  Magaalada Muqdisho .

Comments are closed