|

Waa sidee Xaalada Deegaanka Tukaraq Ee Gobolka Sool?

Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool oo ay shalay Ciidamada Difaaca Puntland ay kula dagaalameen Malayshiyaadka Soomalailand ayaa waxaa  la soo sheegayaa  in wali Goobihii  lagu dagaalamay ay xiisadu wali ka taagantahay .

Goob jooge ku sugan  Deegaanka Tukaraq  ayaa Puntlandi.com u sheegay in ay Maqlayeen xalay  Hubka Culus oo ay labada dhinac ay is waydaarsanayaan.

Magaalada Garoowe ayaa waxaa ka baxay Ciidamo kale oo lagu xoojinayay Ciidamadii horay ugu sugnaa Jiida hore ee Dagaalka.

Puntland ayaa sheegtay in dagaalkan ay guul ka gaartay ayna ku Qabsadeen hub iyo saanad Milatari .

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Warfaafinta Puntland ayaa Bartiisa Facebook soo dhigay in ay Ciidamada Puntland intabadan ay la wareegeen Deegaanka Tukaraq .

 

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinacba ay ku kala sugan yihiin Duleedka Magaalada  , waxaana jirin ilaa iyo hada  wax isku socod ah oo dadka iyo gaadiidka dadweynaha ah  ,marka laga reebo  dhaq Dhaqaaqa ay wadaan Ciidamada Puntland.

 

Qoysas farabadan oo  ku sugnaa Deegaankii lagu dagaalamay  ayaa waxa ay ka cabsi qabay in  markale lagu dul dagaalamo .

 

Majirto ilaa iyo hada  dagaal  toos ah oo maanta ka dhacay Deegaankaasi ,balse  Dowladda Puntland ayaa sheegtay  in ay soo bandhigi doonto Maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii shalay iyo khasaarihii ay gaarsiiyeen Malayshiyaadkii ku sugnaa Tukaraq.

Comments are closed