|

(Dhagayso) Afhayeenka Nabadoonada Gobolka Nugaal” Ciidamada Puntland Maalmaha Soosocda ayay Sooxiri doonaan Xuduudka Puntland Oo ku eg labida Gaatama

Nabadoonada Gobolka Nugaal  ayaa sheegay in ay aad soo dhawaynayaan guushii ay Ciidamada Puntland ay soo hoyeen oo ay ku qabsadeen inta badan  Deegaanka Tukaraq  ee  Gobolka Sool.

Nabadoonada  Gobolka Nugaal  ayaa sheegay in ay waajib muqdas ah ay tahay in lays difaaco marka lagugu soo weeraro naftaad iyo Maalkaada.

Shacabka ku dhaqan Gobolada Puntland ayay Nabadoonada ugu baaqeen in ay  Fadhiga ka kacaan oo dagaalka ay kaga qayb qaataan wax kasta oo ay awoodaan  Ciidamadooda ay  la garab istaagaan biyaha iyo cuntada .

 

Waxa ay sheegeen in Muuse biixi uu qayb ka yahay dagaalka ka socda Deegaanka Ceel Afwayn ee Gobolka sanaag , halka dhanka kalena uu Taageero siiyo kooxda  Argagixisada ah ee  Al-shabaab ee  ku dhuumaalaysta Buuralayda Gal-gala ee Gobolka bari.

Ugu dambayntii Nabadoonada ayaa ku baaqay in Puntland  Dowladdeeda  iyo shacabkeedaba   looga baahan yahay in siwada jir ah loo sooceliyo Gobolada Sool ee ka maqan gacanta Puntland .

Afhayeenka Nabadoonada Gobolka Nugaal C/laahi Maxamed Jibriil  ayaa sheegay in Ciidamada Puntland maalinta beri ah iyo wixii ka dambeeyay ay soo xiri doonto Xuduudkeeda Puntland oo ku eg deegaanka Gaatama .

Halkan ka dhagayso.

      Af hayeenka nabadoonada Nugaal

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Comments are closed