|

(Dhagayso) Wasiirkii hore Ee Warfaafinta Puntland Soocade” Puntland Xaq bay uleedahay in ay Soo ceshato Gobolka Sool kana dulqaado Shacabka Gobolkaasi heeryada Gumaysi Ee Malayshiyaadka Muuse Biixi

Wasiirkii hore ee Warfaafinta dowladda Puntland Maxamuud Xasan Soocade ayaa waxa uu ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay Deeganka Tukaraq ee Gobolka Sool oo ay Ciidamada Puntland ay Guusha  ka soo hoyeen .

Soocade ayaa sheegay in Malayshiyaadka uu hogaaminayo Muuse biixi ay dhibaato ku hayeen shacabka ku sugan gobolka Sool tan iyo 20004tii  ,balse maanta ay Ciidamada Puntland dhibkii ay ku hayeen Malayshiyaadkaasi shacabka ay ka dulqaadeen.

Waxa uu sheegay  Wasiirkii hore ee Warfaafinta Puntland in shacabka  looga baahan yahay in ay taageeraan dowladdooda ayna garab istaagaan Ciidamada naftooda u huray Difaaha dalka.

Halkan ka dhagayso Soocade.

      Soocade

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

You must be logged in to post a comment Login