|

Madaxweyne Xigeenka Puntland oo Tukaraq booqdey



Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Xigeenka Puntland Cabdixakiin  Xaaji Cumar Camey ayaa booqasho ku tagay Tukaraq oo Ciidamada Puntland ay Shalay ka Sareen Maleeshiyaadkii heystay.

Madaxweyne Xigeenka ayaa tan iyo Shalay Waxa uu booqday laba jeer jiida hore, Shalay Galab ayuu sidookale  Madaxweyne Xigeenka  Puntland Injineer Camey waxa uu  booqday Ciidanka Puntland ee ku sugan Nawaaxiga Tukaraq.

Maanta Duhurkii ayuu Madaxweyne Xigeenka waxa uu Mar labaad tagay Deegaanka Tukaraq,  wuxuuna  halkaasi geeyay Raashin iyo  Kaalmo kale .

Madaxweyne kuxigeenka waxaa  si diiran ugu soo dhaweeyay Tukaraq Shacabkii ku noolaa  Deegaanka .

Injineer Camey  ayaa goor dhaweyd waxa uu  dib ugu soo laabtay  Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland .

Maanta wax Dagaal ahi Ma uusan dhicin, oo xaaladu aad ayay u degan tahay.

Puntlandi.com
Garoowe

You must be logged in to post a comment Login