|

(Dhagayso) Madaxwene Gaas” Waxuushta Hargaisa ka Soo duushay Ee Cadaysatay diiga shacaka Waan ka xorayn doonaa Gobolka Sool

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa waxa uu ka hadlay Dagaalkii ka dhacay Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool oo ay Ciidamada Xooga Puntland ay ku jabiyeen Malayshiyaadkii xooga ku haystay Deegaanka Tukaraq  .

Madaxweyne Cabdiwali Cali Gaas ayaa ku tilmaamay Malayshiyaadka Muuse Biixi Waxuush cadaysatay dhiiga shacabka Gobolka Sool ,ayna ka xorayn doonaan dhawaan inta hartay .

Madaxweynaha ayaa Ciidamada ku amaanay guusha wayn ee ay ka gaareen dagaalk Wuxuuna sheegay in Soomaailand ay gardaro ku haysato  qaybo kamid ah Gobolka Sool.

Madaxweynaha ayaa  sheegay in dalka ladifaaci doono layskana dhicin doono Malayshiyaadka Hargaysa ka so duulay .

Shacabka Puntland ayuu Madaxweyne Cabdiwali Gaas ugu baaqay in ay garab istaagaan Ciidankooda .

Halkan ka dhagayso Madaxweynaha .

      Madaxweyne Gaas

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Comments are closed