|

(Dhegayso) Madaxweyne Gaas,” Maamulka Hargeysa jab xoogan ayaa ka raacay dagaalkii Tukaraq.

Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay maamulka Hargeysa inuu jab xoogan kala kulmay dagaaladii ka dhacay gobolka Sool, kuwaas oo u dhexeeyay ciidamada difaaca Puntland iyo maleyshiyaadka maamulka Hargeysa

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay Puntland iyo shacabkeedu inay iska difaacayaan duulaanka lagusoo qaaday dhulkooda ayna diyaar u yihiin inay dhiiga u huraan inaan dhulkooda lasoo hunguriyeen, waxaa kale oo madaxweyne sheegay inay  difaacu dalku sii socondoono.

Waxaa madaxweynuhu cadeeyay ujeedada ka dambeysa duulaanka maamulka Hargeysa inuu yahay sidii ay ukala qeybin lahaayeen midnimada Soomaaliya, mana ahan ayuu yidhi, dagaal lagusoo qaaday Puntland ee waa dagaal lagusoo qaaday midnimada Soomaaaliya.

Halkaan hoose ka dhegayso codka madaxweynaha.

      Gaas

Puntlandi.com

 

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

You must be logged in to post a comment Login