|

(Dhagayso) Duufaano Roobab wata Oo ku soo Wajahan deegaano ka tirsan Gobolada Puntland

Madaxda Hay,ada Maareenta iyo ka hortaga Masiibooyin  ee Puntland (Hadma ) oo kaashanaysa  Hay,ado Caalami ah oo qaabilsan dhanka Cimilada Caalamka ayaa sheegtay in Xeebaha bari ee  Puntland ay ku soo wajahan yihiin 24ka saac ee inagu soo aadan Roobab iyo dabaylo iswata  ,waxaana lasheegayaa in ay  ku soo beegan yihiin maalmaha 18-19 bishan .

Duufaantan ayaa waxaa loogu magac daray Sagar,waxayna ay qayb ka ahayd Dabaysha looyaqaan Maansoonka oo ka soo fatacantay Duufaantii wayneed ee loo bixiyay One, oo ka soo bilaabatay Xeebaha Hindiya .

Deegaanada lasheegay in Duufaanta ay ku soo wajahantahay ayaa waxa ay kala yihiin

Gobolka Garda Fuu , Degmada Xafuun ee Gobolka kar kaar, iyo Degmada Bandar Bayla   oo ku taala dhanka bada Hindiya .

Ha,ada Hadma ayaa dadka Deegaanadaasi ku dhaqan iyo xoolo Dhaqatadaba  waxa ay  ugu baaqday  in ay ka fogaadaan meelaha togoga ah oo ay biyuhu soo maraan.

Gudoomiye yaasha  ka arimiya Degmooyinka la sheegay in ay  Duufaantan ay  ku soo Wajahantahay  ayaa lagu wargaliyay in ay Bulshada gaarsiiyaan  fariintaasi  loogu digayo dadka iyo duunyada in ay ka fogeeyo meelaha ay qatartu ka iman karto .

Sidookale Duufaantan ayaa lasheegay in ay ku wajahan tahay qaybo kamid ah Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya iyo dalka Jabuuti.

Sanadkii 2015 kii ayay ahayd markii Goboalada bari ee Puntland ay ku dhufatay Duufaantii  lamagac baxday  katriina ,taas oo gaysatay qasaaro leh naf iyo maalba .

Hadaba Halkan ka dhagayso Gudoomiyaha Hay,ada Hadma  C/laahi C/raxmaan Cayrow .

      Gudoomiye ceyrow

Puntlandi.com Bosaaso .

 

 

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Comments are closed