|

Sawirro:-Roobab ka da,ay Gobolada Bari iyo Kar kaar

Deegaano katirsan Gobolka Kar kaar ayaa galabta waxaa ka da,ay Roob xoog leh oo ay ku qabowsadeen dadka iyo duunyada .

Deegaanka ay  Roobabku ka da,een ayaa waxaa kamid ah Tuulooyinka kala ah  Libow, Shire, dhaxan, iyo Yaka oo dhamaantood   ka tirsan Gobolka Karkaar .

Dadkii ku dhaqnaa Deegaanadii  uu ka curtay Roobkan  ayaa Puntlandi.com  usheegay in Tuulooyinkaasi ay ka jirtay  markii hore Abaar daran oo saameen ku yeelatay  dadkii iyo duunyadii ku dhaqnaa halkaasi .

Waxa ay noo sheegeen Xoola dhaqatada  in ay aad ugu farax sanyihiin raxmada uu Alle uu siiyay Maanta  ,ayna ku mahdinayaan .

Halkan ka daawo Sawirrada  Roobka ka da,ay Gobolka Kar kaar.

Dhanka kale Jawiga Magaalada Bosaaso ayaa maanta aha  mid Qabow  ,Waxaana mar qura isbadhashay Cimiladii kululeed ee Magaalada   Bosaaso .kadib markii uu Roob xoogan uu kada,ay dhan Bada  iyo Magaalada hareeraheeda .

Meelaha uu roobku maanta uu ka curtay ayaa waxaa kamid ah Degmada Caluula oo katirsan iyana  Gobolka Garda Fuu.

Shacabka ku dhaqan Magaalada Bosaaso ayaa maalintii 1-aad ee Ramadaan ku dhamaystay jawi ka duwan kii hore .

Halkan kadaawo Sawirrada  Cimilada  Magaalada Bosaaso ee Maanta

Puntlandi.com Bosaaso .

Comments are closed