Warbixin iyo Taageero looraadinayo Isbitaalka Gaalkacyo

Garowe(Puntlandi.com)Wasaarada Caafimaadka Puntland ayaa bilowdey dadaal kor loogu qaadayo goobaha Caafimaadka Puntland,Waxaa tusaale u ah dhismaha ka socda Isbitaalka Guud ee Garowe iyo dib u furkii  Isbitaalka Gaalkacyo oo mudo sanado ah xiraa.

Gudigii Wasiirka Caafimaadku u sameeyey sidii loo dhisi lahaa ama dibu habeyn loogu sameyn lahaa Isbitaalka Gaalkacyo ayaa soo saarey qoralkaan hoose, meesha u hooseysa waxaad ka heleysaa Qoraalkii oo Orjinal ah

ka dib markii Wasiirka Caafimaadka Cali Cabdulqaadir warsame uu booqdey Isbitaalka Gaalkacyo 18 maajo 2010,uuna la shirey bulshada iyo waxgaradka Gaalkacyo,Wada tashi dheer uu uu la qaatey bulshadaas ayaa wasiirku magacaabey Gudi kasoo shaqeeya dhismaha Isbitaalka Gaalkacyo iyo usoo ururinta dhaqaalihii lagu maalgalinlahaa dhismaha Isbitaalka. Gudigu wuxuu ka koobanyahey 17  rag iyo dumarba,wuxuuna leeyahey Gudoomiye,gudoomiye ku xigeen iyo Khasnaji ba, waxeyna xubnahaan shir yeelanayaan labadii Isbuucba mar,waxeyna ku shirayaan Xarunta Dumarka,

Gudigaas wuxuu ka koobanyahey labo qaybood oo kala ah

Gudi Qaabilsan Dibada kalana ah

  1. C/Jaamac Cali Food
  2. Faarax Bootaan Faarax
  3. Saciido Bootaan Cilmi

Qaybta labaad ee qaabilsan Gudaha Dalka

  1. Nabadoon Xuseen Ismaaciil(Xuseen Dayl)
  2. Nabadoon Nuur Xirsi
  3. Ugaas Aadem Faarax Dheere
  4. Sahra Ahmed Shire
  5. Dhudi Yuusuf

Dhaqaalaha meesha laga raadinayo waa 430,000$ (Afar boqol iyo sodon kun oo doolar), Dhamaan dhaqaalahaan wuxuu ku baxayaa dhismaha Isbitaalka,Qalabeyntiisa iyo kharashyada.

Lacagta tabaruca Isbitaalka Gaalkacyo waxaa lagusoo shubi karaa Account Nr.(Koontada nambarkkedu yahey) 0711-04-46009-01 Account-kaan waxaa laga heli karaa oo aad lacagta kusoo shubi kartaa Dhamaan xawaaladaha oo dhan.

Ilaha lacagta laga heli karo ama laga rabo

  • Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Korontada
  • Shirkadaha Dhismaha
  • Shirkadaha Daawooyinka
  • Xawaaladaha
  • Shirkadaha shidaalka iyo kuwa qalabka baabuurta gada(Spar pairska)
  • Baabuurleyda
  • Guryaha deegaanka
  • Macalimiinta iyo waliba ardeyda
  • Dhamaan shaqaalaha Dowliga iyo kuwa gaarka ah

Qurba joogtu waa iney qayb libaax ka qaadataa Isbitaalka Gaalkacyo

Dhamaan waxaan ka codsaneyna ainey ka qayb qaataan dhismaha Isbitaalka,gaar ahaan isgaarsiinta,xawaaladaha,wakaaladaha biyaha iyo Qurba joogta iney qayb libaax ka qaataan.

Gudiga Dhaqaalaha Waa kuwan hoos ku qoran iyo waliba saxiixoodii

Waxaa Qoraalka diyaariyey Gudiga Farsamada Isbitaalka


You can leave a response, or trackback from your own site.

Leave a Reply