|

(Dhagayso) Madaxweyne Axmed Madoobe” Shacabka Jubaland Waxaan ugu baaqayaa in ay Midnimadooda ilaa shadaan

Madaxweynaha dowldda Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubaland ,kadib markii uu Baydhabo uga qayb galay shirkii Madaxda Maamulada dalka ,ayaa waxa uu dhaliil u jeediyay dowldda Fadaraalka Soomaaliya.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in Xukuumada haatan uu  hogaaminayo Madaxweyne Farmaajo  ay xusul duub ugu jiro sidii ay markale xukunka uqaban lahayd .

Madaxweynaha ayaa dhanka kale waxa uu shacabka Jubaland ugu baaqay in ay ilaashadaan midnimadooda oo aan looga faa iidaysan Nabad galyada ay haystaan qul Qulatooyinka Siyaasadeed ee ka dhanka ah Jubaland ee laga wado Magaalada Muqdisho.

Halkan ka dhagayso Axmed Madoobe oo arimo badan ka hadlay .

      1101273520013548

Puntlandi.com.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Comments are closed