|

Roobabkii ugu Xooganaa oo ka da’ay Gobolka Bari , 3 qofna ku geeriyoodeen

Gabi ahaan waxaa xirmay Wadada Garowe ka timasda ee soo gasha Bosaso tasoo saaka waaberigii dib loo furay roobabka awgood.

Bosaso– Puntlandi/Pi– Gobolka Beri waxaa Shalay Ilaa Xalay saqdii dhexe ku hooray roobabkii ugu badnaa Mudo toban sano ah, Roobabkasoo gaarsiisan inta badan Gobolka.

Jidka ka yimaada Garowe ayaa waxaa Biyo xoogan keeney Tog Magaalada Bosaso u jira toban Km tasoo dhalisay in wadada la xiro Shalay galab, Xalay fiidkii ayaa 4 dhalin yaro ah waxay si qarsoodi ah ula Carareen Gaari Lan cruzer ah si ay togs uga gudbaan balse nasiib daro Gaarigii iyo Sedex dhalinyarada kamida waxaa qaadey Togii halkassayna ku geeriyoodeen.

Saaka waaberigii ayaa wadada dib loo furay, dhamaan gaadiidkii ku xanibnaa wada soo gasha Bosaso si nabada ayay Bosaso ku galeen.

Roobabka ku hooray Gobolka Bari oo Biyo badan dhigay ma noqon dabaylo badan wata Sidii horey loo saadaaliyey, wuxuu ahaa Roob xoogan oo aan dabeylo aan wadan, meelaha miyaga ah wuxuu watay dabeyl yar oo qabow oo ay Dad iyo Duunyaba ku qabowsadeen.

Garoonka Diyaaradaha Ee Bosaso International wuxuu u shaqaynayaa si caadi ah oo roobabku wax sameyn ah kuma yeelan shaqadiisii.

Puntlandi.com
Bosaso

Comments are closed