|

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare oo hambalayo iyo Bogaadin u diray Howl-wadeenadii Imtixaanka Dowlada Puntland.

Guud ahaan Gobolada oo dhan waxaa soo xarooday gaadiidkii soo daabulayey imtixaankii Fasalka 8aad iyo Fasalka 12aad ee Dugsiyada sare oo si toosa u yimid xarunta dhaxe ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Taciinta sare.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Abshir Yuusuf Aw ciise ayaa shir jara’id ku qabatay Wasaaradda Waxbarashada isagoo aad ugu mahad celiyey howl-wadndeed imtixaanka kuna tilmaamay inay qabateen shaqo qaran.

Wasiirka ayaa tilmaamay 100 Xarumood oo imtixaanku ka dhacay inay ahaayeen kuwa wax dhiba ka jirin, Wasiirka ayaa waxaa kaloo ka hadlay Tayada imtixaanka uu u leeyahay ardayda iyo iskuuulada iyagoo tartan badan ka jiro iskuulada Puntland.

Dhamaan Aradayda u fariisatay imtixaanka waxay ku galeen kalsooni buuxda oo ay ku qabaan naftooda iyo dadaal dheeriya ee ay soo sameeyeen. Waana aradaydii ugu badnayd abad oo fariista imtixaan shahaadiga ah ee 2017-18.

Puntlandi.com

Comments are closed