|

Boqor Buur madow oo ugu dambayn lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah.

Hargeysa (Puntlandi) Maxkamad kutaala magaalada Hargeysa ayaa maanta go’aan kama dambeys ah kasoo saartay dhegaysiga dacwada Boqor Buurmadow oo racfaan horey u soo qaatey, waxayna ku riday Boqor Buurmadow .

Maxkamada Racfaanka ayaa Boqor Buurmadow ku xukuntey 3 Sanno oo xadhig ah sida uu xaqiijiyey mid kamid ah garyaqaanadiisa oo lagu magacaabo Guuleed Dafac.

Maxkamada gobalka Maroodi-jeex ayaa dhawaan sidoo kale ku xukuntey 5 sanno oo xadhig ah taas oo uu Racfaan ka qaatey.

Waxaa loo haystaa ka qeyb galka caleemo saarkii Beeldaha Cali Saleebaan iyo hadalo uu ka sheegay madashii xafladu ka dhacaysay, hadaladaas oo ay dhibsatay Somaliland.

Puntlandi.com

Comments are closed