|

Taliska Jeeganta Qabiil ee Hargeysa oo khal-khal ku dhacay iyo iyagoo Shacbiga Gobolka Sool ku soo rogay amaro Bandoo ah iyo caburin Siyaasadeed ah

Ka dib markii uu is qabsaday,meel walbana gaaray dareen ka iyo dufaanta siyaasadeed ee shacbiga Puntland kaga hortagayaan weerarada gardarada ah ee taliska jeegaanta qabiil ee Hargeysa ku soo qaadeen shacbiga Puntland, isla markaana shacbi iyo Dawladba loo midoobay in maamulka Hargeysa tabartiisa la tuso, lagna xoreeyo deegaanada Puntland ee ay xooga ku haystaan.

Maamulka Jeegaanta Qabiil ee Hargeysa ee uu hor boodo Gaashaanle Muse Biixi ayaa waxaa soo wajahay duruufo qalafsan oo sababay in maamulkaasi uu khalkhal siyaasadeed iyo mid amni ku dhaco.

Maamulka Hargeysa ayaa waxaa u cadaatay in Shacbiga gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn ay u diyaar garoobeen halgan iyo dagaal ay deegaanadooda uga sifeynayaan meleeshiyooyinka qabiil ee dhulkooda doolka iyo gardarada ku joogay mudada dheer.

Rajo la’aanta ku dhacday Taliska Hargeysa ayaa sababtay in maamulka Muse Biixii uu maanta shacbiga Gobolka Sool iyo midka magaalada Laascaanood oo uu ka cabsi qabo in magaalada ay ka bilaabato kacdoon deg deg ahi uu ku soo rogay shacbiga amaro ah cunaqabyeyn dhaqaale, mid siyaasadeed, cadaadis iyo caburin lagu xakamenaayo xoruytal qawlka shacbiga.

Lakiin waxaan shaki ku jirin in ay soo dhamaatay maalmihii maamulka jeegaanta qabiil ee Hargeysa ay xoogga ku haysteen degaano ka mid ah Puntland.

Halkan ka daawo amaradii maamulka Hargeysa ku soo rogeen shacbiga Somaaliyeed ee Gobolka Sool

Comments are closed