|

Faahfaahin xaalada deegaanada Tukaraq ee saaka lagu dagaalamay

Labada dhinacba waxaa aad u adag in war rasmi ah laga helo maadaama saxaafada iyo cid walboo wardoon ahba loo diidey ineY gaaraan deegaanadaas ama war ka helaan, Saaka dagaalka bilowdey ayaa ahaa mid ay labada dhinacba adeegsanayeen intii karaankood ah iyo hub noocay haastaanba,wali khasaaraha rasmiga ah la ma oga intuu gaarsiisan yahay.

Wararku waxay sheegayaan in Ciidamada Puntland ay dib u riixeen Maleeshiyaadka Soomaaliland, ayna kala wareegeen Goobihii ay horey u joogeen, warar aan rasmi ahayn ayaa sheegaya in dhinaca Soomaaliland laga gubey laba gaari oo nooca gaashaaman ah.

Hadda abaarihii 11:50 waxaa hakad galay dagaalkii.

Ilaa hada Garowe wax dhawac ah lamasoo,gaarsiin in kastoo Isbaatalka weyn ee Magaalada uu heegan ugu jiro qabashada Dhawaca , Sidoo kale Laascaanood oo aan la xiriirney wali wax dhawac ah lama soo gaarsiin.

Way adagtahay in la helo warka rasmiga ah, maadaama wararka ku tiri ku teenka ah ay hada aad usoo badanayaan , macaal masuuliyiinta labada dhinac ayaa warkoodu noqdey mid aan la isticmaali karin oo qolo walbaa waxay iyadu rabto ayay shacabka u sheegayaan.

Shacabka ayaa bilaabey iney ka fogaadaan deegaanad Dagaalku ka socdo, Ma jiro barakac ay shacbku sameynayaan laakiin way ka guureen deegaanada dagaalku saameeyey, mana jiro labada dhinacba cid u gurmatay shacabka ku sugan deegaanada lagu dagaalamayo.

Howlwadeenada Warbaahknta Puntlandi.com ayaa iminka ku mashquulsan iney soo ururiyaan wararkamrasmiga ah ee deegaanka Tukaraq.

Comments are closed