|

Faahfaahi : – 20 maxaabiisa oo lagusoo qabtay Dagaalkii Maanta iyo Khasaare xoogan loo geystey Soomaaliland

Dagaalkii Saaka ka dhacay Deegaanka Tukaraq ayaa noqdey mid khasaare xoogan loogu geystay Ciidankii Soomaaliland Sida ay xaqiijinayaan Howlwadeenada Puntlandi ee Laascaanood ku sugan.

ciidanka khasaare Xoogan soo gaaray ayaa waxay ahaayeen Ciidankii Maamulka Hargeysa ee ka diraraayey aaga dhoodida iyo aaga laba madaxley, Wararka rasmiga ah waxay sheegayaan in Ciidankaas ay labada Dhinac kasoo galeen Ciidamada Puntland, Waxaana laga qabtey 20 Nin laakiin mid ka mida wuxuu u geeriyooday dhaawac.

Ciidanka intisii kale waxay noqdeen wax Dhinta iyo qaar Carara.

Dhinaca Puntland Dhimashada maanta waa 18 dhaawucuna 29, 3 askarina waa la waysay yahay.

Dowlada Puntland iyo Somaliland midna wali kama hadlin khasaaraha kor ku xusan iyo Maxaabiiista ay Puntland gacanta ku hayaan.

Wixii soo kordha kala soco Puntlandi.com

Comments are closed