|

Dowlada Puntland oo manuucday in lasoo bandhigo Qalabka Dagaal iyo Maxaabiista lagusoo qabto Dagaalka iyo waliba dhawacyada iyo meydadks


Dowlada Puntland ayaa amar ku siisay Masuuliyiinta Difaaca Dalka in goobahaha Ciidanka laga xakameeyo Saxaafada iyo Shacabkaba, lagana ilaaliyo iney helaan macluumaadka Ciidanka iyo Howlgaladooda, Waxaa sidaas warka ku helay Warbaahinta Puntlandi.com

Waxaa la faray Masuuliyiinta Ciidanka in la xafido lagana ilaaliya saxaafada ama shacabkaba iney Sawiro ka qaadan Maxaabiista iyo Qalabka Ciidanka ee lagusoo qabto Dagaalka.

Waxaa iyana gabi ahaana la manuucay in Sawiro lagasoo qaado meydadka iyo dhawacyada Ciidanka labada dhinacba.

Wasaarada Amiga Puntland Sargaal ka tirsan oo Puntlandi la hadlay ayaa sheegay in qofkii ka tirsan Shaqaalaha Dowlada ama Ciidanka ee la ogaado inuu gudbinayo macluumaadka iyo Sawiro ama Fiidyow ku saabsan Ciidanka uu mutaysan karo Xabsi
Adeegayassha waaxyaha Caafimaadka ayaa iyana la faray iney ku dhaqmaan oo ilaaliyaan amaradaan cusub.

Sida aan xogta ku heyno horay ayay Xukuumadu u adkeysay in la Sawiro ama Lasoo bandhigo Qalabka iyo Maxaabiista lagusoo qabto Dagaalka laakiin hada waa lasii adkeeyey.

Sida Puntlandi xogta ku hayo waxaa ila hada la hayaa ku dhowaad 25 maxbuus, waxaa iyana ay Puntland aadtey ugu yaraan 13 meyd ah oo Soomaaliland ah, Xukuumadu waxay ku guuleysatey in la xafido macluumaadka maxasbiistaas Ilaa hada.

Puntlandi.com
Garowe

You must be logged in to post a comment Login