|

Dowladda Puntland oo sheegtay inaysan gorgoran ka gelidoonin dhulkeeda dastuuriga ah, digniina dirtay dowladda federalka.

Madaxtooyada Dawladda Puntland War-saxaafadeed

TIX/001003/2018

May 27, 2018

Dawladda Puntland ee Soomaaliya waxay u caddeynaysaa Ummada Soomaaliyeed in Puntland ay tahay Maamul 20 sanno dhisnaa, laguna yaqaan nabadgelyo iyo xasilooni ay kula nool yihiin dhammaan Ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan gobolada waqooyi galbeed oo ah Maamul ay wadaagaan Puntland waxyaalo badan, isla’ markaana aan u hayno dadkiisa qadarin iyo xurmo.

Dawladda Puntland waxay u aragtaa nasiib darro in hogaamiyaha maamulkaasi oo horey u lahaa taariikh madow ahaana dagaal ooge 40 sanno dhibaataynayey shacabka ku dhaqan gobolada Waqooyi, laguna xasuusto xasuuqyadii uu ka geystay degmooyinka Ceerigaabo iyo Boorame, haddana ku haya shacabkaas colaado iyo bara-kicin joogto ah, hadaba in uu maanta ku celceliyo nabad-ayaan doonayaa taas waa hadal meel-waayey.

Xaqiiqda hadalka Madaxweynaha Maamulka Hargeysa, ka dib duulaankii uu kusoo qaaday Puntland gaar ahaan Gobolka Sool ( Tukaraq), waxay beesha caalamku u sheegtay Maamulkaas inay dib uga baxaan deegaanka ay kusoo duuleen, laakiin hogaamiya maamulkaasi wuxuu ku dooday inuu tegayo xuduud uu Ingriisku siiyey arintaas oo ah mid lagu qoslo, wuxuuna dhagaha ka fureystay dhammaan soo jeedinadii Beesha Caalamka, Isla’ markaana wuxuu duulaan kusoo qaadey deegaanka Tukaraq ee Puntland.

Kadib, waji gabax uu kala kulmay ciidamada  difaaca  Puntland  ayuu  wuxuu bilaabay inuu ku celceliyo waxaa nasoo weeraray Dawladda Federaalka  Soomaaliya,  wuxuuna kusii daray inuu miciin-sado Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaliya la kulankiisa.

Haddaba, Dawladda Puntland  waxay ku leedahay Muuse Biixi,  dhul iyo dad Puntland ka tirsan ma bixin karo Ingiriis iyo xuduud been ah oo warbaahinta laga sheegto, isla’ markaana Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas wax gor’gortan ah kama gelayo deegaamada Dastuuriga ah ee Puntland, mana bixin karto Dawladda Federaalku dhul ka mid  ah Puntland.

Dawladda Puntland waxay ku celinaysaa una xaqiijinaysaa Ummada Soomaaliyeed iyo Beesha caalamkaba in hogaamiyaha Hargeysa uu hadda soo abaabulayo duulaamo hor leh, taasoo uu doonayo inuu ku caburiyo shacabka Waqooyi galbeed iyo gobolka Sool, isla’ markaana uu doonayo inuu mandiqadda ka abuuro dagaalo iyo colaado hor leh.

Dawladda Puntland waxay caddeynaysaa in Dawladda Federaalku qayb ka ahayn difaaca Dawladda Puntland ay iskaga difaacayso gardarrada qaawan ee maamulka Hargeysa ku soo qaaday gobolka Sool ( Tukaraq ), isla markaana dawladda dhexe aysan ka geli karin gor’gortan, wadahal ama tanaasulaad deegaamo Puntland ay leedahay.

Ugu dambeyn, Puntland waxay soo dhaweynaysaa cid kasta oo ka shaqeynaysa nabad­ galyo in lagu soo dabaalo geyigga Soomaaliya oo dhan iyadoo la ilaalinayo midnimada, qaab maamuleedka  iyo juquraafiga dalka Soomaaliya.

Puntlandi.com

 

 

 

You must be logged in to post a comment Login