|

Breaking News : – Diyaarad sidey dhalinyaro Reer Hargeysa ah oo Libiya laga keentey oo loo diiday Iney ka Degto Hargeysa lagana soo dajiyey Garowe

Diyaarad Sida Dhalinyaro Reer Soomaaliland Sh oo laga keentey Liibiya ayaa lagasoo dajiyey Garowe kadib markii Maamulka Hargeysa ay u diideen Diyaarada iney soo caga dhigato Hargeysa.

Dhalinyarada ayaa ahaa Tahriibayaal ku dhibastaysnaa Libiya, Sida Puntlandi xogta ku helay Dhalinyaradaan iyagaa dalbadey in Soomaaliland la geeyo maadaama ay halkaas kasoo jeedaan.

Lama oga Sababta ay Soomaaliland u diidey Dadkeeda Mana aha markii u horeysay oo ay diidaan dad soomaaliyeed,lakiin Dadkan waxay ka urinayaan Magaca Soomaaliyeed, maadaama ay Dowlada Federaalku ku lug lahayd soo deynta iyo soo qaadista dhalinyaradaan.

Ma ahan markii ugu horeysay ee maamulka jeegaanta soomaalidiidka ahi ay ficilkan xun muujiyaan, lakiin waxaynu xusuusanaa Dagaalka Yemen markuu bilowday in ay maamulka Jeegaanta qabiilka ee Hargeysa ay u Diideen inuu Markab sidey Caruur iyo Hooyooyin sonaaliyeed oo laga soo badbaadshey Dagaalka Yemen laga soo dejiyo Dekada Berbera, ogowna Dadkaasi waxay u ka koobnaayeen soomaliweyn oo dhan, oo xitaa ay ku jireen kuwo ka soo jeeda Somaliland,kakiin nasiib wanaag shacbiga iyo dawlada Puntland ayaa markiiba u gurmday oo gacmo furan oo walaalnimo ku soo dhaweysay.

Dhalinyarada ayaa maanta mar kale loo diidey in ay dhulkii ay ka soo jeedeen, iyaguna dalbadeen ee Hargeysa ay ka dagaan, waxaana sidii dhaqanka iyo caadadu aheyd mar gacmo furan ku soo dhaweeyey shacbiga iyo Xukuumada Puntland

Puntlandi.com
Garowe

Comments are closed