|

Cudur daar iyo Raali gelin : – Shabakada Puntlandi oo hawda dib ugu soo noqday dib habeyn weyn ka dib

Maamuulka Iyo Hawlwadeenada Shabakada Caalamiga ah ee Puntlandi waxay ka raali gelineysaa akhristayaasheeda sharafta leh hawlo shaqo iyo dibu habeyn weyn oo lagu sameeyey Websidka Puntlandi oo khasbay in aanu hawda ka baxno mudo laba beri ah.

Sida laga wada dhergesan yahay Shabakada Puntlandi waa mid ka mid ah ilaha ugu mihiimsan, uguna booqashada badan ee warbaahibtinta Somaaliyeed, taas oo ay ku muteystay kalsoonida akhristayaasheedu ku qabaan wararka iyo xaqiiqooyinka rasmiga ah ee ay bulshada u soo gudbiyaan.

Culeyska iyo baaxada akhristaasheeda faraha badan ee uu ku xiran Puntlandi ayaa khasbay in la balaariyo baaxada iyo xajimga ay shabakadu ku marti galin karto akhristayaasheeda, isla markaana kor loogu qaado amaanka iyo fayo-dhawrka Shabakada Puntlandi, kadib markii dhawr jeer ay ku fashilneen isku dayo ay weeraro naf la caari ahi ku soo qaadeen kooxaha dadqalatada ah ee dhibka ka wada Somaalia, kuwaas oo dhibsaday, una adkeysan waayey adeegyada warbaahineed ee shabakadaka, kuwaas oo ka madaxbanaan daneysiga shakhsiga ah, beenta gacan ku rimiska ah, laaluulshka,dulmiga, duudsiga, naceybka, Guulwadeynta iyo saxiib ku shubo shilimaadka ah ee ay caan ku yihiin inta badan warbaahinta Somaalidu.

Waxaanu mar kale u mahadnaqeynaa, si weyna u soo dhaweynaynaa Akhristayaasha Shabakada Warbaahinta ee Puntlandi.

Mahdsanid
Maamulka Sare ee Puntlandi
Garoowe

Comments are closed