Midowga Yurub ayaa Soomaaliya ugu deeqay lacag dhan 35 milyan oo euro

Brussels(Puntlandi) Hay´ada Xiriirka Caalamiga ah,Kaalmada biniaadanimada iyo Badbaadinta rayidka u qaabilsan EU(ECHO) ayaa maanta Soomaaliya ugu yaboohdey lacag gaareysa 35 milyan oo Euro,

Kristalina Georgieva oo ah haweyneyda hogaamisa ECHO ayaa maanta sheegtey in EU lacagtaan ugu deeqdey Shacabka Soomaaliyeed ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya, waxey tiri “Shacabka Soomaaliya waa shacabkii ugu horeeyey ee ay isugu darsameen laba shey oo halisa , dagaal daba dheeraadey oo aan dhamaad laheyn iyo Abaaro ”.

Lacagtaan lagu kaalmeynayo Soomaliya aaa loo yaa wax loo marinayaa Hay´adaha caalamiga ah ee ka howl gala Soomaaliya sida, kuwa qaramada midoobey,Laanqayrta cas ee aduunka iyo Bisha cas.

Ahmed Yare

Puntlandi.com xafiiska Wararka yurub

Stockholm

sweden@puntlandi.com

You can leave a response, or trackback from your own site.

Leave a Reply