|

Madaxweynaha dowladda Puntland oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid weriye Maxamed Aadan Xirsi Teera.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr: Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Tacsi u diray dhammaan Umadda  Soomaaliyeed, Gaar ahaan Shacabka  Puntland, Qoyska iyo Eheladii  uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Aadan Xirsi Teera oo  ahaa waakiilka Puntland Tv  ee  qaarada Yurub oo maanta ku geeriyooday dalka Ingiriiska, Alle hanu nariistee Marxuumka ayaa ahaa rug caddaa dhanka saxaafada ah oo wax badana ka qabtay saxaafada Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa si gaar ah ugu Tacsiyeeyay dhammaan bahda warbaahinta Soomaaliya geerida ku timid Marxuun Maxamed Adaan Xirsi Teera, wuxuuna Madaxweynuhu Allaah uga baryey  Marxuumka inuu Jannadiisii Fardowso ka waraabiyo Aamiin Aamiin, uuna daris uga dhigo SuubbanihiiRasuulkeennii CSW

Amiin Amiin Amiin

You must be logged in to post a comment Login