Ciidamada Amaanka Galkacyo Oo Qabtay Dad Watay Lacagii Dhawaan Puntland La Soo Gaarsiiyay.

Galkacyo(Puntlandi.com);- Ciidamada Amaanka Magalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa gacanta ku dhigay dad watay lacagihii dhawaan la soo gaarsiiyay Deegaanada Dawlada Puntland.

Taliyaha Qaybta Policka Gobolka Mudug G/sare Muusa Axmad C/raxmaan(Muusa Xasasi) ayaa sheegay in ay qabteen sariflayaal doonayay in ay suuqa galiyaan lacagihii faalsada’aha.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada Policka wadeen baaritaano ay ku samaynayeen Sariflayaasha iyo cida ku’lugyeela in lacagahaasi suuqa galiyaan.

Lacagahan oo dhawaan la soo gaarsiiyay magalada Galkacyo ayaa qaarkood suuqa galay waxaana suuqyada lacagaha magalada Galkacyo lagu arkay lacago cusub oo kamida’haa lacagahaasi.

Wararkale ayaa sheegaya in Haweenkii Lacagahaasi Faalsadaa Puntland soo galiyay saacadaha soo socda ka hadli’doonaan talaabada ay qaadayaan iyo sida ay ka yeelayaan lacagahaasi.

Ali Ahmed Abdi

Ali@puntlandi.com

You can leave a response, or trackback from your own site.

Leave a Reply