War Deg Deg Ah;Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Puntland Oo Xilkii Laga Xayuubiyay.

Puntlandi.com(Garowe):- Sadex Xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa maanta Xilki Laga qaaday Kadib Fadhi ay yeesheen Mudanayaasha Baarlamaanka Puntland.

Fadhiga Baarlamaanka ay Magaalada garowe maanta ku qaateen ayaa xildhibaanadan Sadexda ah waxaa lagu eedeeyay inay taageeraan Ururka SSC ee ka Dagaalama Gobolada Sool, Sanaag Iyo Cayn,waxaana Xildhibaanadu ay Codka Kalsoonida u qaadeen Xildhibaanadan la eedeeyey 26 Mudane ayaa U Codeeyay in Baarlamaanka Xubanahan Laga saaro.

Xildhibaan Dhamuuke Muuse Shire ayaa wakaalada wararka Puntlandi.com u Xaqiijiyay in arintani ay sidaas u dhacday mudanayaasha sidaasi uga baxeen Barlamaanka Puntland.

Ali Ahmed Abdi

Ali@puntlandi.com

You can leave a response, or trackback from your own site.

Leave a Reply