London(Pi) Inkastoo Qurba joogta Puntland ay siyaabo kala duwan u arkaan dadkii laga raafey Puntland hadana waxey boqolkiiba boqol taageereen weerarkii lagu qaadey kooxdii shegatey iney yihiin Al-shabaab ee joogey buuraha Galgala.
Qurba joogta Puntland ayaa ugu baaqey Dowlada iney sii wadaan tirtirida kooxdaan dooneysa iney Puntland ka dhigto sida Muqdisho oo kale, waxeyna Hogaanka Dowlada Puntland iyo Cuqaasha deegaanada dagaaladu ka dhaceen ugu hambalyeeyeen go´aankii ay ka qaateen kooxdaan, qurba joogta Puntland waxey kaloo isku raaceen in jiritaanka Puntland iyo amaanka shacabka ay muqadis tahey ,ilaalinteedana ay tahey waajib saaran dhamaan reer Puntland.
Waxey kaloo Qurba joogta Puntland ka codsadeen Dowlada iney gargaar gaara u sameyso dadka ka qaxey goobihii dagaalku ka dhacey.
Puntlandi Xafiiska wararka Yurub
London

RSS Feed
Posted in 





