Sida aan la wada socono waxaa la aas aasey dawlada puntland iyadadoo sal dhig u ahaa ka dib markii ay qabiilo kala duwan oo nin walbaa ka soo jeedo gobol ama degmo ay isla garteen in dantu ku jirto midoow guud oo horseedi kara cudud sal balaaran iyo baadi goobka Soomaali weyn.
Hadaba waxaa dhacay qabaailo ka mid ahaa kuwii wax ka aas aasey in ay isu bedeleen marqura mucaarad aad u daneynaya in ay arkaan Dalada guud ee lawada harsanyo waa Puntlandne oo burburta.
Sida aan la wada socono ka hor aas aaskii puntland ma aysan jirin wax is dhexgal ah oo ka dhexeeyey qabaailka aas aasey puntland oo qabiil kastaa waxaa uu ku ekaa ama ku oodnaa gobolkiisa ama degmadiisa.
Sameyntii puntland ayaa waxaa ay saldhig u noqotay in shacabka kala gadisan ay magaalada ay rabaan degaan oo aan la kala yeelan magaalooyinka waa weyn ee Puntland. Waxaana loo aaneynayaa iney asal u tahay dhibaatada maanta jirta arintaas.
Sida aan la wada socono puntland waxa canshuurta laga qaadaa gobolada qaar halka kuwa kalena aysan bixin wax canshuur ah balse ay aad ugu xisaabtamaan canshuurta laga qaado shacabka kale ee ku nool gobolada kale ee Puntland. Iyagoo mushaar loo siiyo Milatari, police, wasiiro ama wasiiro kuxigeeno, Shaqaale iyo Isimo iyo wixii la mid ah.Taasoo macnaheedu yahay waxayga lihi kaagana kula lihi.
Hadaba xisaab xumadaas ayaa dhashey in ay ku andacoodaan in puntland aan si siman wax loo qaybsan oo lagana horyimaado sinaatii puntland. Somalidu waxaa ay ku maahmaahdey ciirtaada dhame ayaa caydaada yaqaan.
Xisabtanku mahan oo kaliya in hal dhinac la eego, balse waxaa loo baahnayahay in dhinac walba laga sinaado oo la eego, waana in gobol walba u hoos u eego waxa u bixiyo iyo wax u helo,,, waxa laga doonayo iyo wax u doonayo.
Marka gobolkasta iyo degmakasta laga helo canshuurtii ku waajibtay ayaa loo bahanayahay in wixii maqan laga xisab tamo oo la doonto. Hadii ay taas dhicina majirto wax cadaalad ah ama sinaan ah.
Sababt oo ah Puntland waa gobolo iyo degmooyin isu tagey in qaar ay canshuur bixiyaan kuwa canshuurta diideyna ay cunaan wax aysan xaq u laheyn mahan wax cadaalad ah amase xaq ah.
In xasiloonida iyo amaanka lagu ciyaaro wanaagna la rajeeyo mahan wax cadaalad ah amase xaq ah!
In gobolada qaar gooni wax u sheegtaan misna gobole kale ku milmaan oo ay rabaan iney wax ka wadaagan mahan wax cadaalad ah amase xaq ah!
In marna Puntland la sheegto marna la diido mahan wax cadaalad ah amase xaq ah!
Waxaan u soo jeedinaya anoo ka mid ah bulosho weynta reer Puntland waa in wax laga bedalaa wax badan sharciyada Puntland iyo isku dul noolashaha maadaama laga faa’iidey natiijada aan maanta guraneyno ee ah dadkii ehelnimo u mudoownay ay ku haminayaan in ay qandaraas ku soo qaataan burburka Puntland. Oo ay hilmaameen san yihiin in hadii lakala gurto oo ay meesha ka baxado xeeyndaabka la wada huwan yahay inaan lasii joogi Karin bosaso iyo golobalada kale ee Puntland, isku dhex noolasho danbena aysan jireyn Wanaag iyo xishoodka bulahsada dulman ee diyaarka u ah jiratanka Puntland wax badan masii socon kartaa? hadaan la isa sixin ama aan laga xishoon hadalada laga ficil qaadan karo ee websedyada iyo siyaasiyiinta qaarkeed ay ku hadaaqan,Puntlandna waa naas dad badan ay wada dugsanayaan,waxeey ku fiican tahay in taa la ogaado oo waxbadan la xeeriyo.
Tusaale hadii la waayo jiratanka Puntland yeey dhib u tahay:
Waxey dhib u tahay kaan hadaba nidaam u dhisneyn.
Waxey dhib u tahay kan gobol kale Puntlandnimo ku dagan, saa waa lakala guurimaayo hadaan wax la isla ogoleyne.
Waxey dhib utahay kaan gobolkiisa ku heli karin caafimad iyo wax barasho tayo leh.
Waxey dhib u tahay kan inuu ganacsado doonaya oo gobole kale dhex mari doono, ileyn nin walboow isku tashaa dhiciye.
Waxey dhib u tahay kan xiliga nabada ah aan coolaadisa laga joogi karin.
Ugu danbeyntii ku talinmaayo halakala guuro lakiin hadii dadka qaar taa jeclaado waxaa haboon In laga wardoono,waan ku qasbanahay inaan qaato:- dad kaa cararaya lama ceshto ee dunyo ka tageysaa xero loo ootaa!
Xisaabtanku waa guda weyn yahay yaan haldhinac oo kaliya laga eegin.Hala wada Jiro hadii la diidana halakala tago!
Cabdi Naasir Odowaa
Cabdiiyare@hotmail.com

RSS Feed
Posted in 





